Jimco, November 09, 2007(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo habow ah oo watay Gaari Ural ah iyo Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe waxay isku rasaaseeyeen iridka Dekedda weyn ee Muqdisho.
Is-rasaaseynta dhexmartay Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka ayaa timid kadib markii Gaariga ay wateen Ciidamada Itoobiya uu ku istaagi waayay rasaas digniin ah oo lagu dul-riday xili uu xowli sare ku socday.
Labada Ciidan ayaa la sheegay in ay dhexmartay is-rasaaseyn xooggan oo keentay in ay lugaha ka banjaraan gaarigii ay wateen Ciidamada Itoobiya, inkastoo markii dambe ay is-aqoonsadeen labada ciidan.
Is-rasaaseynta dhexmartay labada Ciidan ayaa waxaa ka wada hadlay Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya, kuwaasi oo ku guuleystay in Ciidmadii Itoobiyaanka loo qaado halkii ay ku socdeen, iyadoo gaarigii Ural-ka ahaa ee Lugaha ka banjarayna ay ilaalo ka hayaan Ciidamo Boolis ah, si aan loo bililiqeysan.
Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin balse isa soo taraya ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ay wadada ka luntay ay ahaayeen kuwo ku cusub Magaalada Muqdisho oo dhawaan soo galay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, waa iska hor-imaadkii ugu horeeyay oo dhexmaray Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan iyo Ciidamada Dowladda Federaalka tan iyo markii ay sanadkan bilowgiisii wada yimaadeen Magaalada Muqdisho oo xiligaas ka hor ay ka talinayeen Maxkamadihii Islaamka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia