Khamiis, November 08, 2007(HOL):Shan Ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen Ciidamada Itoobiya ayaa ku geeriyootay tiro kale oo intaas ka badanna dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu maanta dagaal xooggan ka dhacay Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho.
Dagaalkan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu dhexmaray Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Xerada Maslax iyo Warshaddii Baastada iyo Kooxo hubeysan oo joogitaankooda halkaas ka soo horjeeda.
Dad ku sugan Xaafadda Suuqa Xoolaha ayaa HOL u xaqiijiyay dhimashada Askarta Itoobiyaanka ah iyo weliba Dadka Soomaalida ah, kuwaasi oo meydkooda lagu arkay goobtii uu dagaalka ka dhacay.
Dagaalkaas kadib ayaa waxaa xaafadda Suuqa Xoolaha isugu soo baxay Dadweyne aad u faro badan, kuwaasi oo dhigay dibadbax ay uga soo horjeedaan Ciidamada Itoobiyaanka, inkastoo aysan dadka u dhawaanin fariisimada ay ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiyaanka.
Dadka isu soo baxay oo ahaa kuwo aad u tiro badan ayaa waxay ku qeylinayeen Gaal-gaal dooni-meyno, Gaalo-Raac dooni-meyno, Ciidamada Itoobiya ha naga baxaano iyo ereyo kale, waxayna socod ku mareen xaafado ka tirsan Deegaanka Suuqa Xoolaha.
Dagaalka ka dhacay Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa wuxuu yimid kadib markii Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Xerada Maslax iyo Warshaddda Baastada ay isku dayeen in ay sameeyaan Howlgallo ay guryaha ku baarayaan, taasi oo sida muuqata aanan u suurtagelin.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Warar kale oo naga soo gaaray Suuqa Xoolaha ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiyaanka iyo Kooxihii dagaalka kala soo horjeeday ay mar kale isku noqdeen, kadibna uu dhexmaray dagaal aan la ogeyn khasaaraha uu geystay, iyadoo dadka deegaankaasna ay ku warameen in ay Ciidamada Itoobiyaanka adeegsanayeen Taangiyada Dagaalka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia