13.7 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir oo ka badbaaday isku-day lagu dili lahaa

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, November 08, 2007(HOL): Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxyaddiin Cali ayaa saaka wuxuu ka badabaday isku-day lagu dili lahaa  kadib markii Gaari uu saarnaa ay ku qaraxday miino nooca la hago ah.

Afhayeenka oo qaraxaas kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in aaney jirin wax dhibaato ah oo qaraxaas ka soo gaaray isaga iyo ciidamadii ilaalada ahaa ee la socday, isagoo carrabka ku dhuftay in ay Miinadu qaraxday kadib markii uu gaariga ka gudbay.

Maxamaed Muxyaddiin Cali waxaa uu intaas ku daray in Miinada loo dhigay meel aan u dheereyn gurigiisa, wuxuuna tilmaamay in marka ay Miinada ku qarxeysay uu ku soo jeeday Xafiiskiisa Gobolka Banaadir.

“Waxaa ka dambeeyay kooxaha nabadgelyo-darrada ka wada magaalada Muqdisho, waxaana rajeynayaan in si dhaqsi ah gacanta loogu soo dhigi doono, kadibna ciqaab xanuun badan la marsiin doono”ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir oo wax laga weydiiyay cidda uu tuhmayo in ay ka dambeyso qaraxa miino ee lala beegsaday.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay loogu dilay Qaraxyo Miino oo Wadada loo geliyay, waxaana dhawaan qarax loo dhigay ku geeriyooday Guddoomiyihii Degmada Yaaqshiid marxuum Cabdi Miiney.

Ilaa 7 Guddoomiye Degmo oo ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ayaa horay loogu dilay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay dilkooda ka dambeeyeen Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).