Khamiis, November 08, 2007(HOL): Waxaa saaka la soo dhigay Dugsiga Xamar Jadiid ee Magaalada Muqdisho Meydka Nin Qoorta laga jaray, kaasi oo aan la ogeyn cid dilkiisa ka dambeysay.
Dad arkay meydka Ninkani ayaa sheegay in madaxa iyo jirka kale ee meydka ay kala go’naayeen, isla markaana ay is-dhinac yaaleen, iyagoo falkaas ku tilmaamay mid curato cusub ku ah Soomaalida.
Ehellada Ninka la dilay ayaa mar ay meydka qaadanayeen waxay sheegeen in shalay ay Kooxo hubeysan ka qabsadeen nawaaxiga Suuqa Bakaaraha, iyagoo intaas ku daray in markii ay kooxaha hubeysan qabsanayeen ay iska sii daayeen nin la socday, kaasi oo ay ka qorteen Nambar Taleefoon oo ay ku soo sheegeen halka uu yaalo meydka marxuumka.
Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa ku dhaqan agaagaraha Dugsiga Xamar Jadiid ayaa si weyn uga argagaxay qaabka loo dilay Ninkaas, iyadoo la soo weriyay in ay jireen Dad suuxay markii ay Meydka arkeen iyo kuwo kale oo Beer-gadoomay.
Dhawaan ayay ahayd markii Isla Dugsigaas oo ah mid burbursan la soo dhigay meydka labo haween ah oo ay kooxo hubeysan toogteen, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn sababtii loo dilay, walow la sheegay in kooxaha dilay labadaas haweenka ah ay guri kala soo baxeen, weliba iyagoo magacyadooda banaanka ugu soo saaray.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa muddooyinka dambe waxaa ku soo badanaya dilal loo geysanayo Dad rayid ah, kuwaasi oo aaney jirin sabab muuqata oo naftooda loo dhaafiyay, waxayna dilalkan ku soo beegmayaan xili ay magaalada Muqdisho ka barakacayaan Dadkii ku dhaqnaa, kuwaasi oo qaarkood ay u qaxeen Muqdisho duleedyadeeda, halka kuwo kalena ayba Dalka isaga dhoofeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia