13.7 C
London
Wednesday, October 22, 2025

AXMED DIIRIYE CALI: “Ciidamada Itoobiya haddii ay baxaan ma jirto cid weerari doonta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha deriska, taasina Annaga ayaa ballanqaadeyna”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, November 08, 2007(HOL): Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa shaaca ka qaaday in haddii ay Ciidamada Itoobiyaanka ah ka baxaan Dalka Soomaaliya aysan jiri doonin cid weerari doonta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Soomaaliya la deriska ah.
 
“Ciidamada Itoobiya haddii ay baxaan ma jirto cid weerari doonta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha deriska, taasina annaga ayaa ballanqaadeyna”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali oo sheegay in ay ku cel celinayaan in ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxaan Dalka Soomaaliya.

Axmed Diiriye Cali waxaa uu sheegay in Dadka Soomaaliyeed ay iyagu sugidda nabadgelyadooda ku filan yihiin, isla markaana aysan jiri doonin sabab loo aado dalal kale oo Soomaaliya la deris ah. “Haddii laga baqayo in marka ay soo noqdaan Maxkamadihii Islaamka in la weerarayo Dalalka Soomaaliya la deriska ah taasi ma dhici doonto, Dadka Soomaaliyeedna wuxuu diyaar u yahay in uu derisnimo wanaag kula noolaado dalalkaas”ayuu mar kale yiri Axmed Diiriye Cali.

Nabaddoon Axmed Diiriye Cali waxaa uu sheegay in hadalka ay haatan jeedinayaan looga baahnaa in ay mar hore soo saaraan si ay u yaraato dhibaatada ka taagan Magaalada Muqdisho hayeeshee waxaa uu hadana xusay in ay qadartu ahayd in ay maanta hadalkaas jeediyaan.

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo sameysmay kadib markiiay Ciidamada Itoobiyaanka soo galeen Soomaaliya ayaa wuxuu mar kasta soo saaraa baaqyo uu ku dalbanayo in ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxaan Soomaaliya, iyadoo baaqan ugu dambeeya ee uu soo saarayna uu ku soo beemayo xili ay magaalada Muqdisho ku soo qulqulayaan Ciidamo tiro badan oo Itoobiyaan ah oo qaarkood la sheegayo in ay Xaasaskoodii iyo Caruurtoodii soo kaxeysteen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).