Khamiis, November 08, 2007(HOL): Golaha Deegaanka Gobolka Bay oo shir isugu yimid ayaa dhawaan wuxuu shaaca ka qaaday in uu xilkii Guddoomiyenimada Degmada Baydhabo ka qaaday Axmed Maadeey Isaaq, kaasi oo lagu soo eedeeyay qodobo badan oo diidaya in uu xilkaas sii hayo.
Guddoomiyaha Gobolka Bay Xaaji Maxamuud Maxamed Barbaar oo ka hadlay Kulankii ay isugu yimaadeen Golaha Deegaanka Gobolka Bay ayaa sheegay in Guddoomiyihii Degmada Baydhabo xilka laga qaaday, isla markaana uu xilkiisa sii heynayo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Degmada tan iyo inta laga soo magacaabayo Guddoomiyaha cusub.
Guddoomiyaha Gobolka Bay Xaaji Maxamuud Maxamed Barbaar waxaa uu sheegay in Axmed Maadeey Isaaq xilka laga qaaday kadib markii uu ku sifoobay kali-taslinimo, musuqmaasuq, is-hortaag shaqo iyo wax is-dabamarin.
Axmed Maadeey Isaaq oo markaas kadib wax laga weydiiyay sida uu u arkayo xil ka qaadista lagu sameeyay ayaa sheegay in ay tallaabada uu qaaday Golaha Deegaanka Gobolka Bay ay tahay mid ku timid laab-la-kac, isagoo caddeeyay in aaney go’aanka xilka looga qaaday waxba ka ogeyn Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Haddaba Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo wax laga weydiiyay in ay la socoto xil ka qaadista lagu sameeyay Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ayaa waxay sheegtay in aaney arrintaas waxba kala socon, balse ay haatan ku baxeyso xiisadda ka dhalatay xil ka qaadista Guddoomiyaha Degmada Baydhabo.
Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomalaiya Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in ay baarayaan waxyaabaha lagu eedeeyay Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, kadib marka ay xaqiiqada u soo baxdana ay si sharci ah u kala saari doonaan labada dhinac, bacdamaa maamulka Gobolka Bay uu yahay mid ay soo magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kaashaneysay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta Barnaamijyada ee UNDP.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia