Arbaco, November 07, 2007(HOL): Nin Rayid ah oo lagu magaacabi jiray C/casiis Aadan Diiriye ayaa habeenimadii Xalay Kooxo hubeysan ku dileen Xaafada Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne xili sida la sheegay marxuumku ku sii jeeday gurigiisa.
Kooxaha dilka geystay oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa ka hor inta aysan dilin marxuumka ku amray in uu ku soo wareejiyo Taleefoon Mobile ah oo uu sitay, inkastoo dad goob-joog u ahaa falka marxuumka lagu dilay ay sheegeen in aan marxuumka laga qaadan Taleefoonkii uu watay.
Ilaa hadda lama oga sababta dilka Marxuumka geeriyooday laakiin warar is khilaafsan ayaa sheegaya in dilku yahay mid salka ku haya arimo la xiriira Ganacsi, inkastoo hadana ay jiraa warar kale oo ku tilmaamaya dilka marxuuka in uu yahay mid salka ku haya Arrimo Siyaasadeed.
Dhinaca kale habeenimadii xalay ayaa mar kaliya laga wada maqlay xaafadaha magaalada Beledweyne Qarax sida la sheegay ka dhashay Bam kuwa gacanta laga tuuro ah oo lagu weeraray guriga uu degan yahay Guddoomiyaha Maxkamada sare ee gobalka Hiiraan Sheekh Xuseen Barre Max’ed inkastoo cid aysan weerarkaasi waxba ku noqon.
Dhawaan ayay aheyd markii Nin ku hubeysan Bastoolad uu weerar ku qaaday Guddoomiyaha xili uu ku sii jeeday guriga uu ka dagan yahay Magaalada Beledweyne, wuxuuna weerarka xalay lagu qaaday uu noqonayaa midkii labaad.
Magaalada Beledweyne ee Xarunta u ah Gobalka Hiiraan ayaa Maalmihii aynu soo dhaafnay aheyd mid amaankeedu uusan hagaagsaneyn, waxayna marka laga soo tago qaraxyada Dadku walaac ka muujinayaan Weerarrada hubeysan ee hadda uun soo if-baxaya kuwaasoo lagu ugaarsanaya Dadka Rayidka ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia