13.7 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Baarlamaanka Soomaaliya oo isku raacay in Ra’iisal Wasaaraha cusub iyo Xukuumadda uu soo dhisayo laga keeni karo karo baarlamaanka gudahiisa iyo Dibaddiisa

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, November 07, 2007(HOL): Kulan ay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliyeed ku lahaayeen Xaruntiisa KMG ah ee ADC-da ayaa wuxuu soo gebageboobay goor dhaweyd, iyadooo ay Mudanayaasha isku raaceen go’aanno ka soo baxay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo uu ku jiro qodob ku saabsanaa in la soo dhiso Xukuumad ay xubnaheeda ka imaanayaan Baarlamaanka gudahiisa iyo dibaddiisa.

Kulankii maanta oo ay fadhiyeen Xildhibaano gaaraya 226 Mudane, isla markaana uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe ayaa lagu soo waramayaa in ay Xildhibaanada inta badan isku raaceen Go’aannadii ka soo baxay shirkii Dib u heshiisiinta, iyadoo Xildhibaanno ka soo horjeeday go’aannadaasna ay u tanaasuleen kuwa taageersanaa.

Go’aannada la ansixiyay ee ka soo baxay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa waxaa ku jira qodob muhiim u ah in la soo magacaabo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo Beesha Caalamka, Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Aqoonyahanka Soomaaliyeed ay si weyn u daneynayaan in uu ka yimaado Baarlamaanka dibaddiisa bacdamaa mudadii sedexda sano ahayd ee ay jirtay Dowladda Federaalka ay xubnaha Xukuumadda ka imaanayeen Baarlamaanka gudahiisa.

Go’aankan uu maanta gaaray Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu meesha ka saarayaa qodob ku qornaa Axdi Qarameedka oo dhigayay in Xubnaha gelaya Xukuumadda ay ka yimaadaan Baarlamaanka gudahiisa, iyadoo taasina ay keentay in ay xubnaha Wasiirada noqda ay mar kale yihiin Xildhibaano ay adag tahay in Xukuumaddooda lala xisaabtamo.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maalmaha soo socda laga dhowrayaa in uu soo magacaabo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, iyadoo ay jiraan musharixiin u badan Aqoonyahanno Baarlamaanka Soomaaliya dibadda ka jooga, kuwaasi oo isu soo taagay in ay xilkaas qabtaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).