Arbaco, November 07, 2007(HOL): Wafdi ka socda Beesha Caalamka ayaa maanta lagu wadaa in ay soo gaaraan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay oo fariisin KMG ah u ah Baarlamaanka Soomaaliya.
Wafdigan ayay wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo sheegayaan in ujeedada socdaalkiisa ay tahay sidii uu kulamo ula qaadan madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, sidoo kalena uu goob joog uga noqon lahaa kulan uu maanta Baarlamaanka Soomaaliya ku leeyahay Xarunta ADC-da, kaasi oo uu ugu codeynayo qodob xasaasi ah oo ku saabsan halka ay ka imaanayaan Xubnaha gelaya Xukuumadda uu soo dhisayo Ra’iisal Wasaaraha uu soo magacaabi doono Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.
Wafdigan ka socda Beesha Caalamka oo ka soo degi doono Garoonka Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxay goob-joog u noqon doonaan oo ay fiirin doonaan sida uu go’aannada u gaaro baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo maantana uu soo saarayo go’aan muhiim u ah soo magacaabista Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Wafdigan oo ay xubnahiisa ka kooban yihiin Qaramada Midoobay, Mareykanka, Midowga Yurub iyo Dalalka daneeya Arrimaha Soomaaliya ayaa la filayaa in xubno ka mid ah ay qudbooyin u jeediyaan Baarlamaanka Soomaaliya, oo haatan xubnihiisa ay u dhaxeeyaan khilaafaadyo salka ku haya is-qabadkii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi.
Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa la rumeysan yahay in is-casilaaddii uu sameeyay ay la xiriirtay culeys uga yimid dhinaca Beesha Caalamka, gaar ahaan Dowladda Mareykanka oo si weyn u daneyneysa in wax laga bedelo hoggaanka Dowladda Soomaaliya mudada labada sano ah ee u harsan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in uu maanta u codeeyo in Xubnaha ka mid noqonaya Xukuumadda cusub laga keeno Baarlamaanka Dibaddiisa iyo gudahiisa, iyadoo taasina ay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu soo magacaabo mid ka mid ah Xubno Aqoonyahanno ah oo aan Baarlamaanka ku jirin, kuwaasi oo u soo gudbiyay doonistooda ah qabashada xilkaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia