13.7 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Ciidamo Itoobiyaan ah oo howlgallo ka wada Wadada isku Xirta Muqdisho iyo Afgooye

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, November 07, 2007(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u tiro badan ayaa waxay howlgallo ka wadaan Wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, gaar ahaana Deegaannada Km13 iyo Garas-Baalleey.

Ciidamadan oo la sheegay in ay isku xiran yihiin min Muqdihso ilaa Afgooye ayaa waxay baaris ku hayaan Dadka degan deegaanadaas oo ay ku jiraan kuwo ka barakacay magaalada Muqdisho kadib markii ay u adkeysan waayeen madaafiic ay rasaas ay isku ridayaan Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan ayaa Deegaanka km13 ayaa wuxuu sheegay in ay dadkii halkaas deganaa isaga sii carareen halkii ay deganaayeen, iyagoo ka baqay in ay dhibaato u geystaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee howlgallada sameynaya.

Howlgallada ay Ciidamadan Itoobiyaanka ah ka sameynayaan Wadad isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo habeen hore Qarax xooggan loogu geystay Deegaanka Lafoole Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sii jeeday magaalada Muqdisho, kuwaasi oo aan la ogeyn khasaarihii ka soo gaaray qaraxaas.

Sidoo kalena howlgalka ay Ciidamadan sameynayaan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay shalay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ay howlgallo ka sameeyeen Deegaano ka tirsan Degmooyinka Wardhiigley iyo Yaaqshiid, gaar ahaana Xaafadaha Gubta, Towfiiq iyo Carafaat.

Dhanka kalena xaafadihii ay shalay ka howlgaleen Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dowladda Federaalka ee laga kala cararay ayaa saaka ayaa waxaa uga bilowday dhaqdhaqaaqii dadka iyo Gaadiidka, inkastoo ay weli jiraan dad aan soo noqon oo weli ku maqan deegaanadii ay u barakaceen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).