Arbaco, November 07, 2007(HOL): Bartamaha Soomaaliya wuxuu sanadka 2007 u ahaa sanadkii soobarakicida iyo marti gelinta kumanaan dad ah oo guryahoodii kala soo cararay naftooda, si habqan ahna u soo gaaray meel aysan cidna uga soo horayn, waxayna maciin bideen oo weli daadsan yihiin afaafka hore ee guryaha dhismahoodu hooseeyo ee ku yaala Gobolada Galgaduud iyo Mudug.
Koonfurta Mudug iyo Gobolka Galgaduud ayaa Gobolo aan lahayn webi iyo dhul beereed sidoo kale ma lahan dekado iyo garoomo diyaaradeed oo shaqeeya, dadka ku nool ayaa intooda badan ah xoolo dhaqato reer guuraa ah kuwaasoo aan xamili Karin in ay dad kale marti geliyaan, sidoo kale iyaga qudhooda ayaan weligood helin mucaawino tayo leh iyo xiriir toos ah oo ay beesha caalamka la yeeshaan si taageero looga siiyo arrimaha aas aasiga ah.
Waxaa tayo yar isbitaalada, ceesha biyaha, jidadka, iskuulaadkuna inta badan maba jiraan, waxaa ka sii daran xiliyadii roobka oo la waayey in kastoo xiligan la dareemayo curasho roob oo aan weli dhigin dhibco lagu degi karo.
Kumanaankii dad ee soobarakacay ayaa dul degay kumanaann kale oo markii hore qudhoodu ka soo barakacay dhulka miyiga ah kadib markii xoolidhii ka dhamaadeen, waxayna noqotay arrintii labo qaawan isma qaado, marka aad joogto Gobolka Galgaduud meel ka mid ah ilmay ooyaya aad u baahato in aad siiso Caano waxay kugu qaadaneysaa hal mar intii uu cabo 20 kun oo shilin Soomaali ah ama $1 Doolar.
Waxaa dhinac socda sicir barar cirka aaday oo waxaa halka Doolar marayaa 21,000 oo shilin Somali ah, waxaa sidoo kale jira qaar ka mid ah badeecooyinka aadka loo quuto oo iskood loo waayey ama qaali noqday oo laba jibaarmay sida: burka, bariiska, caanabooraha iyo saliida, tana waa mushkilad kale.
Marka sidan wax yihiin waxaan jirin hay’ado samafal oo tayo leh ama musuq maasuq ka hufan, halkan Galgaduud waxaa yimaada wufuud kala nooc nooc ah oo survey ama qiimeyn ku sameeya deegaanada Mudug iyo Galgaduud waxay inta badan arrintoodu ku soo aruurtaa qalin iyo warqad lagu qoro baahiyaha taagan.
Waxaan isku duwneyn oo aad u tayo yar kooxo jecel in ay dadkooda hormariyaan hase yeeshee Maalgelintu waxay martaa dariiqyo qaldan oo musuq musuq la degay, waxaa si aan wanaagsaneyn ku baxa mucaawinada yar ee deegaanadan soo gaarta, waxaana cunta intii xoog leh, arrintan waxaa sii xoojiyey maamulada oo aan tayo lahayn ama aan jirin, waxaa jira odayaal beeleedyo kistooda la siiyo ayana qof kasta musuqiisa indhaha ka daboosho, tana waa mushkilad horseeday in aan xitaa la hirgelin maamul hufan.
Dadka u sii nugul mashaakilka jira ee noloshoodu dhiban tahay waxaa ka mid ah dadka loo yaqaano minority groups ama dadka laga tirada badan yahay kuwaasoo aan awood u lahayn in ay wax diriqsadaan marka ay waayaan xaqooda, dadkan waxaa jooga Goboladan dhawr kun oo qoys, waxayna ku nool yihiin nolol hoose, mana helaan qeybta ay macaawinada ku leeyihiin, raashinka mar mar la keeno ayaa qabiil lagu qeybsadaa, taasna waxay ku riixdaa dad badan oo baahnaa in ay ka xishoodaan qaabkaas amaba ay la fahooda uga baqaan.
Maadaama Goboladani yihiin deegaano ka fog xaruumaha hay’adaha samafalka ee Muqdisho, Boosaaso iyo Nayroobi wuxuu deegaankani mucaawino u helay survey ama qiimeyn iyo dhibcaha talaalka cudurka dabeysha.
Dhawaan waxaa yimid wafdi heer sare ah oo ka socda UN-ka gaar ahaan hay’adaha UNHCR iyo OCHA, waxay dadka geliyeen rajo ku saabsan in markan booqashadii wax laga bedeli doono oo uu UN-ku xafiis ka furan doono Gobolka Galgaduud, laakiin mushkilada jirta ayaa ah in hay’adaha UN-ku ku soo dhex dhici doonaan is barbaryaaca iyo is faham la’aan dhan walba ah, sababtu waxa weeye in halkani u baahan tahay marka hore dadku in ay sameystaan hab maamul ay raali isaga yihiin.
Hay’adda gargaarka iyo Hormarinta ee Soojeed waxay haddaba digniin ka bixineysaa in ay Gobolada dhexe Qatar macluuleed ka soo fool leedahay, loona baahan yahay in inta aan kumanaan qof nafaqo daro darted u fariisan hadda si qaabeysan dib u dajin iyo program nololeed loogu abuuro kumanaanka qof ee soobarakacay iyo kuwa ay ku soo dul dageen.
Hay’addu waxay ka digeysaa in beesha caalamku iska sii eegato dadkan waxma haysatada ah ee is dul degay, noloshuna ku qaaliyowday, arrimaha qatarta ah ee ka soo baxay xog uruurin hay’addu ka sameysay qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud ayaa waxaa si weyn isu soo tareysa arrin ku saabsan in dhalinyaro ka mid ah dadka soobarakacay ay ku biirayaan kooxaha wax dhaca gaar ahaan dhinaca bada (Burcad badeed), sababtana waxaa loo aaneynayaa shaqo la’aan iyo waxbarasho la’aan iyo deegaanka oo ah mid aan dadka qarin Karin sidii Muqdisho.
Waxaa jira meelo badan oo Gobolada Mudug iyo Galgaduud ka tirsan oo ay dadku isku dayeen in ay waxqabsadaan gaar ahaan sameysteen maamul isla markaasna dib u howl galiyeen xaruumihii dowladda sida saldhigyadii booliska, maxkamadaha, xaruntii maamulka, laakiin waayey taageeradii ay ku meel marin lahaayeen hadafyadooda, sida: dhaqan celinta maleeshiyooyinka, tababarka booliska IWM.
Marka si fiican loo dhuuxo dhibaatada jirta ayaa ah afar qodob:
Dadka tirada badan ee ka soo barakacay Muqdisho, kuwaasoo aan la imaan wax ay nolosha ku dabartaan, taasna waxay kor u qaaday saboolnimadii horay u jirtay.
Tayo xumo xagga odayaasha iyo maamulka ah, taasna waxay keentay in kala dambeyntu soo xumaato.
Beesha caalamka oo aan kula xisaabtameyn dadka ka wakiilka ah ee yimaada Gobolada Soomaaliya waxa ay u dhiibaan.
Qodobka afaraad in ay soo baxeen kooxo bartay sida loo qaraabto kaana xoog iyo xoolo badan cad kastana halka uu yaalo ka soo qaadanaya iyagoo dadkana ka dhigaya Dawacooy af ku dufan ley.
Dhinaca kale waxaa jira dhan fiican kaasoo tilmaan ka bixinaya hormar muuqda sida marka la eego dad badan oo isku dayaya in ay ganacsigooda hormariyaan magaalada Cadaado oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa laga hirgeliyey dhawr ganacsi oo dadka anfacay waxaa ka mid ah warshado kala duwan sida: warshad koronto, warshado biyaha sifeeya, kuwo xoolaha lagu qalo, iyo warshado baraf, waxaana sidoo kale meel fiican maraya adeegyadii isgaarsiinta.
Dad ayaa jira ku mashquulsan in ay dib u kiciyaan iskuulaadkii magaalooyin badan oo hoostaga Gobolada Mudug iyo Galgaduud sidoo kale isbitaaladii ayaa intooda badan abaabul loogu jiraa in qaarna la dhiso qaarna dib loo howl geliyo.
Inkastoo aan horay u soo sheegnay in dadka soobarakacay culeys ku hayaan Goboladan haddana waxaa jira in dadka waxtarka ah eek u mashquulsan hormarku ay intooda badan yihiin dadkii ka soo barakacay magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyntii dadka ka soo jeeda Goboladan eeku nool caalamka dacaladiisa gaar ahaan reer galbeedka iyo Carabaha waxay dib u hormarin karaan Gobolada ay deegaan ahaan ka soo jeedaan.
Guddoomiyaha Hay’adda Gargaarka
Iyo Hormarinta ee SOOJEED
Cilmi Nuure Weheliye
cilmi_nuure@hotmail.com