Talaado, November 06, 2007(HOL): Ciidamadan oo deganaa Dhismayaasha Safaaraddii Masaarida, Shineemadii Ekwatoore iyo Dhismaha Daarta Tahliil Warsamey oo Isgoyska KM4 dhanka bari kaga toosan ayaan la ogeyn sababta ay halkaas uga guureen.
Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa waxay sheegayaan in fariisimada ay ka guureen Ciidamada Uganda la doonayo in la dejiyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka mid ah kuwa haatan ku soo qulqulaya magaalada Muqdisho, iyadoo Ciidamadii Ugada ee horay ugu sugnaana ay dib ugu noqdeen Xaruntooda dhexe oo ah Dugsigii Tababarka Xalane.
Ciidamada Uganda ayaa intii ay ilaalada ka hayeen Isgoyskaas oo muhiim u ah dhaqdhaqaaqa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa dhowr jeer loo geystay weerarro loo adeegsaday waxyaabo qarxa, iyadoo mar bambooyin lagu tuuray, halka mar kalena madaafiic lagu garaacay fariisimadodoa.
Ciidamada Uganda ayaa waxay ilaalo ka hayaan afar goobood oo Muqdisho ku taala kuwaasi oo kala ah Dekedda weyn ee Muqdisho, Garoonka Diyaaradaha, Xarunta Villa Somalia iyo Isgoyska KM4 oo ay xalay ka guureen.
Ugu dambeyntiina, Ciidamada Uganda oo horraantii sanadkan soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxay qeyb ka yihiin Ciidamo 8000 oo askari gaaraya oo ay Dalalka Midowga Afrika ugu yabooheen in ay Amni iyo kala dambeyn ku soo celiyaan Soomaaliya, inkastoo aaney weli Ciidamadooda soo dirin dalalkii kale ee Ciidamada laga sugayay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia