11 C
London
Thursday, October 23, 2025

Kooxo hubeysan oo Xalay weerar ku qaaday Guriga Maareeyaha Dekedda Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, November 06, 2007(HOL): Kooo xo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay weerar ku qaadeen guriga Maareeyaha Dekedda weyne ee Muqdisho Cabdi Jiinow.

Ilaaladii Guriga Maareeyaha iyo Kooxaha hubeysan ee weeraray gurigaas oo ku yaala agagaarka Ceel Tuba-weyne ee Degmada Yaaqshiid ayaa waxaa dhexmartay rasaas xooggan oo muddo saacad ku dhawaad ah socotay.

Dagaalka oo ahaa mid la isugu adeegsaday rasaas xooggan ayaa wuxuu sababay dhimashada labo ruux iyo dhaawaca askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomalaiya, iyadoo ay saraakiil u hadlay Ciidamada Dowladda ay sheegeen in mid ka mid ah labada ruux ee geeriyootay uu ka mid ahaa kooxihii weerarka soo qaaday.

Xaaladda deegaankii uu xalay dagaalka ka dhacay ayaa saaka waxay tahay mid degan, waxaana si caadi ah u socda dadka iyo gaadiidka isticmaala Wadada 30ka, gaar ahaan qeybta u dhow halka uu ka dhacay dagaalkii xalay.

Waa markii labaad oo ay kooxo hubeysan weerar ku qaadaan guriga maareeyaha Dekedda Muqdisho, waxaana weerar lagu qaaday mar sii horeysay ku geeriyooday seddex ruux oo isugu jiray mid ka mid ah ilaaladii guriga, mid ka tirsanaa kooxihii weerarka soo qaaday iyo weliba Nin la sheegay in uu taagnaa albaabka guriga maareeyaha, kaasi oo loo sheegay in uu ahaa Ruux dawarsanayay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay xoogga ku timid Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Ciidamo Itoobiyaan ah waxaa ku soo badanayay weerarro lagu qaado fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya iyo weliba dilal loo geysto cid kasta oo la shaqeysa Dowladda Federaalka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).