Isniin, November 05, 2007(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye garabka uu Hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay Dadka Soomaaliyeed u diidan tahay in ay soo gutaan Waajibaadka Xajka.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Golahaase ayaa lagu sheegay in Dad badan oo Soomaaliyeed ay iska dhaafeen in ay sanadkan soo xajiyaan kadib markii ay Dowladda Federaalka soo saartay sida lagu yiri warsaxaafadeedka Baasaboor ay shirkado ajnabi ah gacanta ku hayaan oo aan kalsooni ka heysan Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana aan aqoonsi ka heysan Beesha Caalamka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayay ugu baaqeen Odayaasha Hawiye in ay ogolaato in lagu soo xajiyo Baasaboorkii hore ee Soomaaliya, bacdamaa baasaboorka cusub uu yahay mid aaney dadka wada heysan, isla markaana uusan jirin dal weli lagu tegay.
“Golaha waxay u soo jeedinayaan Dowladda Federaalka in ay joojiso qorshaha qasabka iyo degta ah ee ay ku hirgelineysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna u ogolaato dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah in ay soo gutaan waajibaadka Xajka oo ka mid ah shan tiir ee Islaamka” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye.
Sidoo kalena Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye waxaa uu ka digay in is-hortaagga ay Dowladda ku sameysay in lagu soo Xajiyo Baasaboorkii hore ee Soomaaliya uu ka dhasho kacdoon shacbi, qalalaase iyo nabadgelyo darro uga sii darta xaaladda uu haatan ku sugan yahay Dalka Soomaaliya.
Hadalka maanta ka soo baxay Odayaasha ku bahoobay Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye garabka uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan ay shaacisay Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya in aan Xajka lagu aadi karin Baasaboorkii hore ee Soomaaliya, isla markaana ay qasab tahay in ay Xujaayda qaataan Baasaboorka cusub ee ay soo sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Waaxda Socdaalka oo ku saabsan hadalka ka soo baxay Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, iyadoo ay xusid mudan tahay in Xubnaha Golaha Wasiirrada ee sii haya Xilka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan shaaciyeen in Xajka lagu aadi kari Baasaboorkii hore ee Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia