11 C
London
Thursday, October 23, 2025

Xildhibaanada Baarlamaanka oo weli laga dareemayo kala qeybsanaan xitaa haddii uu Ra’iisal Wasaare Geeddi is-casilay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, November 05, 2007(HOL): Xildhibaanada Baarlamaanka Soomalaiya ayaa weli waxaa ka dhex muuqata kala qeybsanaan xitaa haddii laga gudbay khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi.

 

Xildhibaannadii taageersanaa Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa waxay ku doodayaan in aan sharci lagu kala saarin madaxda Dowladda, isla markaana laga tallaabsaday Axdi Qarameedka u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Xildhibaannadan oo tiradooda boqol kor u dhaafeyso ayaa waxay haatan wadaan olole ka dhan qorshe uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ku doonayo in Ra’iisal Wasaaraha cusub ee uu soo magacaabayo uu ka keeno baarlamaanka dibaddiisa, inkastoo ay taasi ka horeyso in ay Xildhibaanada ansixiyaan in Xubnaha Xukuumadda laga keeni karo Baarlamaanka dibaddiisa.

 

Xildhibaanadan oo shir ku yeeshay Hotelka Bakiin ee Magaalada Baydhabo ayaa waxay Guddoomiye u doorteen Xildhibaan C/llaahi Shiikh Ismaaciil, waxayna caddeeyeen in ay isu baheysteen ilaalinta Axdiga u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ka soo horjeestay meel-marinta go’aannadii ka soo baxay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo kulankaas soo qaban qaabiyay ayaa sheegay in Xildhibaanada looga baahan yahay in ay sharciga u hiiliyaan isla markaana ay ka feejignaadaan lacago laashuush ah oo la doonayo in sharciga lagu jebiyo.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xildhibaannada raacsan qorshaha uu wato Madaxweynaha ayaa iyaguna waxay xusul-duub ugu jiraan sidii ay u meel marin lahaayeen go’aannadii ka soo baxay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, kuwaasi oo uu ku jiro qodob dhigaya in la dhiso Xukuumad xubnaheeda laga soo xulay Baarlamaanka gudahiisa iyo Dibaddiisa, si ay Dowladda uga mid noqdaan Aqoonyahanno badan oo aan looga maarmin mushkiladda Dalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).