10 C
London
Thursday, October 23, 2025

Ciidamo Itoobiyaan ah oo Muqdisho ku sii jeeday oo qarax lala beegsaday

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, November 05, 2007(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo  ka yimid dhinaca Magaalada Baydhabo isla markaana ku sii jeeday dhinaca Magaalada Muqdisho ayaa waxaa qarax miino lagula beegsaday Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Qaraxa lala beegsaday Ciidamadan oo loo adeegsaday Miinada nooca meelaha fog laga hago ayaa waxaa la sheegay in ay dhibaato ka soo gaartay Ciidamadii ku socday dhinaca Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo markii uu qaraxa haleelay kadib hakiyay socodkooda in muddo ahna ku sugnaa halkii lagu qarxiyay.

 

Rasaas ay qaraxa kadib fureen Ciidamada Itoobiyaanka ayaa la sheegay in ay ku dhinteen labo ruux oo rayid ah, kuwaasi oo u sii dheelmanayay Beero ay ku leeyihiin nawaaxiga halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana geerida labadaas ruux xaqiijiyay mid ka mid ah Dadka degan Degmada Wanlaweyn oo isagu arkay labada ruux ee ay Ciidamada Itoobiyaanku dileen. 

 

Qaraxaas lala beegsaday Ciidamada Itoobiyaanka ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay Dadka degan Degmada Wanla-weyn, gaar ahaan kuwa Beeraleyda ah oo saaka aysan u suurtagelin in ay beerahooda qotaan iyo weliba gaadiidkii isaga kala gooshi jiray Magaalooyinka Wanla-weyn, Afgooye iyo Xamar, kuwaasi oo ay Ciidamada Itoobiyaanka diideen in ay dhaqdhaqaaqaan. 

 

Sabtidii aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii Ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo ku sii jeeday Magaalada Muqdisho lagu qarxiyay inta u dhaxeysa Degmada Wanla-weyn iyo Deegaanka Balli-doogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo iyana aan la xaqiijin khasaarihii weerarkaas ka soo gaaray.

 

Qaraxan lala beegsaday Ciidamada Itoobiyaanka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xalay weerar madaafiic loo adeegsaday lagu qaaday Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin ku leh Xarunta Warshaddii Baastada ee Magaalada Muqdisho, iyadoo dadka deegaankaas ku dhaqanna ay xaqiijiyeen in madaafiic gaareysay 15 madfac gudaha loo geliyay xerada ay Ciidamadaas ku sugan yihiin.

 

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo qulqulaya Ciidamo tiro badan oo Itoobiyaan ah iyadoo ay horay u sii joogeen kuwo kale oo tiro badan, waxaana ilaa iyo haatan la is-weydiinayaa sababta ay Dowladda Itoobiya Ciidamada tirada badan ugu direyso Soomaaliya iyadoo aaney jirin wax ay Soomaaliya ka qabteen Ciidamo ay horay u geysay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).