Isniin,
Xafladdan oo ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu soo gabagabeynayay tirakoob ku aaddan sidii loo ogaan lahaa dadka naafada ah ee 16-kii sano ku naafoobay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay ayaa waxaa lagu soo bandhigay tirakoobkaas xubno gaaraya 8436 xubnood oo isugu jira cuuryaamiin kala geddisan.
Digniintii halkaas laga soo jeediyey ayaa waxaa ka mid ahaa waxyeelada miinada ay leedahay iyo walxaha qarxa in ay ugu weyn tahay dhaawaca iyo dhimashada , dhaqaalo la.aan,nolosha in aan lagu ciyaarin ,ka fiirso waxaad yeelayso ina aadan socdaalin , foojignaan, in warbixinada la weydiisto dadka degaanka , in la raaco dariiqa fayow oo aan miinada lagu aasin , in laga leexdo meelaha shakiga miinada laga qabo , sida xero ciidan , meel gaadiid lagu gubay , guryo dumay , calaamadaha goobaha miineysan in laga leexdo , sida ood meel tuuran , maro cas ( calan cas ) dhagxaan rinji cas leh ka wacyi gelin bulshada meelaha iinooyinka leh iyowaxyeelada qarxa , sida aad yeeleyso marka aad argot waxyaalo qarxa , joogso waxna u fiirso sida calaamadaha wadada ficilada qatarta leh , ha ku tuurin wax qarxa dhagax , shay ha ku taaban , ha ku tuurin dab , ood ha dul dhigin, dhamaan ficiladaas miinooyinku waxey u kala baxaan kuwo dadka ku qarxa iyo kuwo ku qarxa dadka iyo gaadiidkaba ,
Tirakoobkan oo billowday 23-kii September 2007-da lana soo gabagabeeyay 23-kii October 2007-da ayaa waxaa iska kaashaday masuuliyiinta Banadir Youth iyo Aidsom iyadoo dhinaca taakuleyntana ay gacan ka gaysatay hay’adda UNDP.
Cabdi Cismaan Siyaad oo ka mid ah masuuliyiinta hay’adda Aidsom ayaa sheegay in uu ugu baaqayo hay’adaha samafalka, ganacsatada iyo jaaliyadaha dibadaha inay qayb wayn ka qaataan sidii wax loogu qaban lahaa cuuryaamiintan daadsan magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in in naafada ay ilaa hadda tirakoobeen 17% ay yihiin caruur, halka 46% ay ka yihiin rag, sidoo kale 36% ay yihiin haween.
Munaasabaddan ayaa waxaa lagu soo bandhigay xubno fara badan oo cuuryaamiin ah oo ku naafoobay dagaalladii sokeeye ee dalka Soomaaliya ka dhacay 17-kii sano ee la soo dhaafay.
Madaxa hay’adda Aidsom Cabdi Cismaan Siyaad wuxuu sheegay in hay’adda Aidsom ay xoogga saartay sidii ay wax ugu qaban lahayd dhibaatada haysata cuuryaamiinta Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in wixii awooddooda ah ay ka qabteen sidii ay kaalmo ugu heli lahaayeen isla markaana kor ugu qaadi lahaayeen aqoontooda, iyadoo uu sheegay in la baray dadka naafada ah farsamooyin kala geddisan sida dhar tolidda iyo computerrada, kuwaasoo uu sheegay inay hadda qaarkood ku shaqeystaan, halka mustaqbalka la doonayo in waxqabadka cuuryaamiinta sare loo qaado
Muuse Maxamuud Jiisow
Muqdisho Somaliya