Axad,
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu ku saxeexanyahay afhayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani Mooge, wefdigan oo ka kooban Shan qof waxaa hogaaminayay wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Malaysiya Aziz bin Mustafa , wuxuuna Afhayeenku ku sheegay ujeedada ay Wafdiga ku yimaadeen Somaliland in looga dan leeyahay sii xoojinta iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya labada wadan Somaliland iyo Dalka Malaysiya, gaar ahaan dhinacyada Ganacsiga iyo Maalgashiga.
Warsaxaafadeedku waxa uu intaa ku daray in Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin uu wefdiga uga waramay markii uu ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada duruufihii kala duwanaa ee Somaliland ay soo martay tan iyo 1991-kii , markii ay qaranimadeeda kala soo noqotay wadankii la isku odhan jiray Soomaaliya, iyo heerka ay Maanta marayso , kaas oo ay ku gaadhay dedaalka iyo fir fircoonaanta shacbiga Somaliland , iyada oo aan wax kaalmo ah ka helin caalamka intiisa kale .
socdaalka Wefdiga Malaysiya ku yimaadeen
Wafdigu intii ay joogeen Somaliland waxay la kulmeen Madax badan oo ka tirsan xukuumada oo uu ka mid yahay Madaxweyne ku xigeenka, Wasiirka Arrimaha Dibada , Wasiirka ganacsiga iyo saraakiil badan oo ka tirsan Xukuumada Somaliland.
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
Hargeysa,