10 C
London
Thursday, October 23, 2025

Gudoomiyaha Dalladda Fanaaniinta Qaranka oo taageeray shir Faneed ka dhacay Imaaradda Shaariqa ee Dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, November 04, 2007(HOL): Mudanayaal iyo Marwooyin anigoo ku hadlaya magaca Guddiga Maamulka Dallada Fanaaniinta Qaranka Soomaaliyeed iyo Guud ahaan Xubnaha Fanaaniinta Soomaaliyeed iyo keygaba waxaan ugu horeyntii iga gudoontaan salaam kal iyo laab ah oo qiimo weyn xambaarsan .

 

Salaam kadib Ujeedada qoraal saxaafadeedkani waxa uu yahay taageerada aan u hayo kalfadhigii Bishii October 28-29 –keedii ka dhacay Magaalada Shaariqa ee dalka isku tagga Imaaraadka Carabta , oo uu soo qaban qaabiyay Dr. Suldaan Bin Muxamad Alqaasimi oo Xubin ka ah Golaha sare Midowga Imaaraadka iyo Duqa Shaariqa , sidoo kalena ah Abwaan ruwaayadaha ama heesaha curiya .

 

Kulankaas oo la isku raacay dhisidda Hay’ad Kulmisa Masraxa iyo Fanaaniinta carbeed kaasoo isla kulankaasi looga dhawaaqay Golaha Fulinta kumeel gaarka ah iyo Gudoomiyaha KMG ah iyo Xogheynta Guud loona caleema saaray fanaanka reer Imaaraad Ismaaciil C/llaahi , Hogaamiye sharafeedna loo gartay aas’aasaha fikirka iyo dhaqaalihii lagu hirgeliyay kulankaasi Dr. Suldaan Bin Muxamad Alqaasimi.

 

Xarunta dhexe ee Hey’adda Masraxa Carbeed inay noqoto Magaalada Qaahira Caasimadda dalka Masar , halka xarunta Xogheynta Guud-na la isku raacay inay ahaato Magaalada Shaariqa Isutagga Imaaraadka Carabta .

 

In Xafiisyo Goboleedyo iyo mid farac ah looga sameeyo dalalka carbeed ee Soomaaliya ay ku jirto, si dhaqanka iyo masraxiyadda Carbeed ay u noqoto mid hanaqaada.

 

In 10-ka bisha January sanadka 2008-da Magaalada Qaahira lagu qabto Shirweyne ay isugu imaanayaan ergooyin matalaya fanaaniinta wadamada carbeed si loo doorto Golaha Guud ee hey’adda iyo Guddiga Maamulka , iyadoo maalintaasina loo aqoonsaday Maalinta Caalamiga ee Masraxa iyo fanka carbeed.

 

In ahmiyadda la siiyo xaaladda masraxa iyo fanka ay ku sugan yihiin wadamada Soomaaliya ,Komoros , Jabuuti , Eretariya iyo Moritaaniya .

In miisaaniyad sanadeed loo sameeyo horumarinta fanka iyo masraxa wadamada ay Soomaaliya ka mid tahay .

 

In dowladda Imaaraadka ay dhabarka u ridato dhaqaalaha Shirweynaha iyo Dhismaha iyo horumarinta Masraxiyadeede wadamada kor ku xusan .

 

Hadaba hadaan ahay Hogaankii Daladda Fanaaniinta iyo Agaasimahii Fanka iyo Suugaanta ee Wasaaradda Warfaafinta Dowladda FKMG ah , waxaan idin cadeynayaa inaan taageersanahay dhamaan go’aanadii Shirweynaha hordhaca ah ka soo baxay kulankii Shaariqa , waxaaney dareenkeenu ku abuurtay sida walaalaheena carbeed ay ugu damqanayaan dhibta ,dayaca iyo burburka soo gaaray Fankii iyo Masraxa Soomaaliya .

 

Waxaanan balan qaadeynaa inaan ka qeybgeli doono Kalfadhiga Qaahira loo balansan yahay bilowga sanadka nagu soo aadan , sidoo kalana waxaan intii karaankeen ah aan isku dayi doonaa in fanaaniinta Soomaaliyeed festival-ka la soo bandhigayo maalintaasi ay qeybtooda ka qaadan doonaan , soona bandhigi doonaan doorkii looga bartay ,wallow ay muddo 17 sano diif iyo daryo badan qabeen , balse dadaalku ma reebana .

 

Baaq.

 

Waxaan walaalaheena carbeed aan ugu baaqeynaa inay gacan hagar la’aan ah u fidiyaan fanaaniinta Soomaaliyeed oo maanta ah kuwa ugu taagta daran bulshada Soomaaliyeed , una baahan inay helaan kaalmo dhaqaale degdeg ah , dib u dhis masraxii qaranka oo ku burburay dagaaladii sokeeyana , maantana dalka aanu laheyn meel fanaaniintu ay hiwaayadooda iyo howlahoodana ku soo bandhigaan .

 

Waxaa kaloo ay u baahan yihiin tababaro iyo aqoon kororsiyo heer waxbarasho hoose ,dhexe ,sare iyo mid jaamacadeed ,waayo fankeenu ma aha mid aqooneed ,mana heystaan macalimiin iyo awood ay ku dhisaan mihnadooda,sidoo kalana ma heystaan aaladii Muusiga iyo Istuudiyaan casriyeysan , waxaana nabaad guur ku dhow keydkeedii suugaaneed iyo midkii dhaqan ee 100 sano ku dhawaad ay lahaayeen fanaaniinta Soomaaliyeed , waxaana idinka rajeyneynaa sida aad noo xasuusateen inaad xil culus isaga saari doontaan hamba qabashada haraaga fanka iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo baaba’ qarka u saaran.

 

Waxaanan soo jeedineynaa in xafiis goboleedka hey’adda Masraxa carbeed laga furo Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Soomaaliya ,lagana xukumo wadamada geeska Afrika ,iyadoo xafiisyo faraceedyana iyo naadiyaal laga sameeynayo dhowr magaalo oo Soomaaliya ka tirsan .

 

Mahadnaq.

 

Waxaan mahadnaq aan la soo koobi Karin aan u soo jeedineynaa Amiir Alsheekh Dr. Suldaan Bin Muxamad Alqaasimi “ ilaahey ha dhowree” ee lahaa fikirka wanaagga badane lagu dhisay hey’adda Masraxa carbeed kulankiisii ugu horeeyana nalagu xusay , waxaanan ka rajeyneynaa in Imaaradda Shaariqa Iyo Guud ahaan Isku tagga Imaaraadka carabtaba ay mas’uuliyiintooda ,maalqabeenadooda iyo fanaaniintoodaba ay u guntadaan sidii ay gacan hagar la’aaneed ugu fidin lahaayeen walaalahooda fanaaniinta Soomaaliyeed oo maanta hiilka u baahan ,wixii xiligan loo geystana aan weligood xiskooda ka go’I doonin oo ay xasuusnaan doonaan .

 

“FIKIR IYO FAN MIDEYSAN AYUN BAA MUDI KARA MAAMUL IYO QARAN MID AH

 

Gudoomiyaha Dalladda Fanaaniinta Qaranka Soomaaliyeed
ahna Agaasimaha Fanka iyo Suugaanta ee Wasaaradda Warfaafinta DFKMG

Abwaan Yuusuf Maxamed Muumin “ Yuusuf yare”

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).