10 C
London
Thursday, October 23, 2025

Wafdi ka socda Dowladda Canada oo Magaalada Jowhar u tegay in ay caawiyaan Dad ka barakacay Muqdisho iyo kuwo ay Waxyeeleeyeen Fatahaadaha Webiga

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, November 04, 2007(HOL): Wafdi ka socda Dowladda Canada ayaa maanta waxay booqasho ku tageen Magaalada Jowhar ee xarunta u ah Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo Wafdigaasina uu u kuurgelayo xaaladda nololeed ee dadka ku dhaqan Gobolkaas.

 

Wafdigan oo ka socda Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Canada iyo Safaaradda Canada ayaa waxaa la sheegay in ay u kuurgelayaan xaaladda Dad ka barakacay Magaalada Muqdisho oo ku sugan Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo weliba dhibaatooyin kale oo ay qabaan Dad uu ku fatahay Webiga Shabeelle.

 

Wafdigan oo muddo seddex maalmood ah ku suganaan doona Magaalada Jowhar ayaa waxay kulamo la qaadan doonaan madaxda Gobolka, sidoo kalena waxay soo indha-indheyn doonaan xaaladda ay ku sugan Dadka ay waxyeeleeyeen Fatahaadaha Webiga, iyagoo Dooman ku gaari doona Tuulooyin ay Fatahaadaha go’doomiyeen.

 

Dowladda Canada ayaa waxay ka mid tahay Dowladaha dhaqaalaha siiya Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta Barnaamijyada (UNDP), sababtaas darteed ayayna Wafdiga ka socda Canada u eegayaan waxa ay Hay’addaas ka qabatay dhibaatooyin ay qabaan Dadka ku dhaqan Gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan Magaalada Jowhar.

 

Dhawaan ayay ahayd markii Wafdi ka socda Dalka Norway uu booqasho ku tegay Magaalada Jowhar, iyadoo wafdigaasina uu sidoo kale u kuurgelayay Xaaladda Nololeed ee Dadka ku dhaqan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).