10 C
London
Thursday, October 23, 2025

Guddiga Ammaanka Qaranka oo sheegay in aan Muqdisho lagu dhigi karin Banaanbax aan ogolaasho loo heynin

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, November 04, 2007(HOL): Guddiga Ammaanka Qaranka ayaa maanta shir uu ku yeeshay Xarunta Gobolka Banaadir waxaa uu ka soo saaray amar ahaa in aan Muqdisho lagu dhigi karin Banaanbax aan ruqsad loo heysan.

 

Shirka uu yeeshay Guddiga Ammaanka Qaranka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sidoo kale waxaa ka soo baxay in ciddii dooneysa in ay banaanbax sameyso ay marka hore lagama maarmaan tahay in ay qorshaha banaanbaxeeda la socodsiiso Salaadiinta Beesha Hawiye ee fadhigoodu yahay Hotelka  Ramadaan, sidoo kalena ay ogolaasho ka helaan Maxkamadda Gobolka Banaadir.

 

“Dadka doonaya in ay sameeyaan banaanbaxyo ay dhibaato ku sheeganayaan waxaa looga baahan yahay in ay ku wargeliyaan banaanbaxa ay sameynayaan Salaadiinta Beesha Hawiye ee fadhigoodu yahay Hotelka Ramadaan, isla markaana ay ruqsad ka qaataan Maxkamadda Gobolka Banaadir” sidaasi waxaa yiri Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxyaddiin Cali.

 

Hadalka ka soo baxay Guddiga Ammaanka Qaranka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmihii aynu ka soo gudubnay ay magaalada Muqdisho ka dhacayeen Dibadbaxyo looga soo horjeeday joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya, kuwaasi oo qaar ka mid ah Waddooyinka Muqdisho isugu soo baxay, isla markaana taayarro ku gubay.

 

Dhanka kalena, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta wuxuu ugu baaqay hay’adaha Samafalka in ay sameeyaan Jikooyin lagu quudiyo Dadka ka barakacay Magaalada Muqdisho ee ku sugan Duleedka Muqdisho, iyadoo Dadkaasna loogu baaqay in ay guryahooda ku soo laabtaan, isla markaana ay deganaasho muujiyaan.

 

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhowr jeer oo hore wuxuu Hay’adaha Samafalka ku eedeeyay in aysan waxba u qaban Dadka ka barakacay Magaalada Muqdisho ee ku sugan Duleedka Muqdisho, isla markaana ay bixiyaan warbixinno aan rasmi ahayn oo ay ku sheegayaan in ay caawiyaan dadka barakacay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).