10 C
London
Thursday, October 23, 2025

Professor wax ka dhiga Jaamacad ku taala Dalka Mareykanka oo la sheegay in loo wado Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, November 04, 2007(HOL): Warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo ayaa waxay sheegayaan in Xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya loo wado Prof. Cali Jimcaale Axmed oo wax ka dhiga Jaamacad ku taala Magaalada New York ee Dalka Mareykanka.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in Prof. Cali Jimcaale uu shalay gelinkii dambe gaaray Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya, halkaasi oo uu kulan kula yeeshay mas’uuliyiinta Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Addis Ababa iyo weliba Diblumaasiyiin kale oo halkaas ku sugan.

 

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa la sheegay in ay Prof. Cali Jimcaale ku soo dhaweeyeen Magaalada Addis Ababa, isagoo kadibna u gudbay Safaaradda Mareykanka ee Itoobiya.

 

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa ka hor intii uusan is-casilin waxaa uu booqasho dhowr maalmood qaadatay ku tegay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasi oo uu kula soo kulmay madaxda Dowladda Itoobiya iyo weliba Diblumaasiyiin Mareykan iyo Reer Yurub isugu jiray, kuwaasi oo la rumeysan yahay in ay ka dambeeyeen is-casilaaddii uu sameeyay.

 

Prof. Cali Jimcaale oo ay isku heyb yihiin Ra’iisal Wasaarihii xilka ka degay Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa wuxuu ka baxay Jaamacaddii Lafoole ee Soomaaliya, kadibna wuxuu aqoontiisa heerka Jaamacadeed ku sii siyaadsaday Dalka Mareykanka.

 

Laakin iyadoo warkan uu jiro ayaa hadana waxaa jira warar kale oo sheegaya in ay dhici karto in uusan Professor-ka ku soo bixin loolanka loogu jiro qabashada xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya, isla markaana uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed soo magacaabo Rag kale oo qaarkood ay Dalka Dibaddiisa ku maqan yihiin.

 

Musharixiinta u taagan in ay qabtaan Xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya ayaa waxay u badan yihiin Aqoonyahnno aan ku jirin Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna soo magacaabistooda ku xiran tahay in uu marka hore Baarlamaanka ansixiyo go’aan ka soo baxay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo ah in Xubnaha ka mid noqonaya Xukuumadda Federaalka laga soo dooran karo Baarlamaanka Gudahiisa iyo Dibaddiisa.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).