10 C
London
Thursday, October 23, 2025

Meydadka Dad ay dileen Ciidamda Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka oo lagu arkay Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, November 04, 2007(HOL): Waxaa xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho lagu arkay Medadka dad rayid ah oo ay toogteen Ciidamada Itoobiyaanka iyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Agagaarka Xeradii Maslax oo ku taala Duleedka Suuqa Xoolaha ayaa waxaa saaka lagu arkay meydka labo nin oo Da’ ah, kuwaasi oo jirkooda ay ku taalay Rasaas ay Ciidamada Itoobiyaanka ku dhufteen. Lama oga meeshii ay ka yimaadeen labadaas nin ee la dilay, hayeeshee waxay dadka deegaankaas sheegeen in ay ahaayeen dad socoto ah oo wadada marayay.

 

Sidoo kalena, Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ilaalo ka haya Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa habeenkii xalay ahaa waxay toogteen Nin rayid ah, kaasi oo la sheegay in ay Ciidamadu toogteen kadib markii uu u hoggaansami waayay amar lagu soo rogay oo ahaa in uu istaago oo uusan wax dhaqdhaqaaq ah sameynin.

 

Guddoomiyaha Degmada Xamar-weyne C/llaahi Sahal Gardhuub ayaa xaqiijiyay toogashada ninkaas, wuxuuna sheegay in ninkaas la toogtay kadib markii uu iska dhego-tiray rasaas digniin ah oo ay ku rideen ciidamadii ilaalada ka hayay Xarunta Gobolka, isagoo intaasna ku sii daray in ninka la toogtay uu la socday nin kale oo cararay.

 

Magaalada Muqdisho ayaa tan iyo markii ay noqotay goob ay ku hardamaan dhinacyada Muqdisho isaga soo horjeeda ayaa waxaa ku soo badanayay xadgudubyo lagula kaco dadka rayidka ah, kuwaasi oo isugu jira dil, dhac, kufsi, jir-dil, xabsi iyo handadaad, iyadoo haatanna ay ku soo darsameen dilal habeenkii lagula kaco Dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).