Jimco, November 30, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa xalay iyo maanta waxaa ka dhacay qarax iyo dilal ay waxyeello ka soo gaartay Dad rayid ah iyo mas’uul u shaqeynayay mid ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Maanta Salaaddii Jimcaha kadib ayaa waxaa Degmada Boondheere lagu dilay Guddoomiyihii Waaxda Siinaay ee Degmadaas kaasi oo lagu magcaabi jiray Saalax Nuur Axmed, kaasi oo ay kooxo hubeysan toogteen xili uu ka soo baxay Masjid uu Salaadda Jimcaha ku tukaday.
Qof Dumar ah oo arkeysay markii Guddoomiyaha la dilayay ayaa waxay Radio Somaliweyn u sheegtay in ay Marxuumka toogteen rag Bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasi oo markii ay dilka geysteen kadib baxsaday.
Guddomiyihii Laanta Siinaay ee Degmada Boondheere marxuum Saalax Nuur Axmed ayaa dhawaan wuxuu ka soo bogsaday dhaawac ay u geysteen Kooxo doonayay in ay dilaan Guddoomiyihii Degmada Boondheere C/kariin Maxamuud Xuuti, kaasi oo isna ka badbaaday weerarkii lagu dili rabay.
Guddoomiyihii Degmada Boondheere C/kariin Xuuti oo ka soo bogsaday dhaawacii loo geystay ayaa markii uu Isbitaalka ka soo baxay waxaa uu isaga tegay Dalka Soomaaliya si aan mar kale loo dilin.
Weli wararka magaalada Muqdisho ayaynu ku jirnaaye hal ruux ayaa ku dhintay afar ruux oo kalena wey ku dhaawacantay Xaafadda Siinaay qeybta ka tirsan Degmada Yaaqshiid, kadib markii Shineemo halkaas ku taala oo ay Dadkaas ku fiidsanayeen Bambo lagu tuuray. Lama garanayo ilaa iyo haatan ciddii Shineemada ku tuurtay Bamkaas dhimashada iyo dhaawaca geystay.
Sidoo kalena nin ka tirsanaa Shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Telcom Somalia oo lagu magacaabi jiray Ibraahin Xasan Geeddi ayaa xalay lagu dilay agagaarka Xarunta Shirkaddaas, kadib markii ay weerar ku qaadeen kooxo hubeysan oo la sheegay in ay gurigiisa taleefoon kaga soo saareen.
Dilalka iyo Qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa waxay yihiin kuwo maalinba maalinta ka dambeysa isa soo taraya, isla markaana ku kalifay Dad badan oo Soomaaliyeed in ay guryahooda iyo goobahooda ganacsi ka cararaan, isla markaana ay raadsadaan meel ay naftooda ku badbaadsadaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia