Jimco, November 30, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa sheegay in uu todobaadka soo socda gudahiisa uu ku soo magacaabayo xubnaha Xukuumaddiisa.
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo wareysi gaar ah siiyay Wargeyska Sharqul Awsat ee ka soo baxa Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in Xubnaha Xukuumaddisa uu ka keeni doono Baarlamaanka gudahiisa iyo Dibaddiisa.
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde waxaa uu sheegay in Xubnaha Xukuumaddiisa oo aan tiro badnaan doonin ay noqon doonaan kuwo awood leh oo dalka Soomaaliya ka samata bixiya dhibaatada uu ku jiro.
Ra’iisal Wasaaraha oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo ayaa wuxuu soo gebagebeeyay kulamo wada-tashiyo ah oo uu la lahaa Xildhibaanada Beelaha Soomaaliya ee ku jira Baarlamaanka, kuwaasi oo uu kala hadlayay Xukuumadda uu soo dhisayo, iyadoo sidoo kalena uu kulan kula qaatay Baydhabo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Axmedou Ould Abdallah, kaasi oo ay ka wada hadleen arrimaha Soomaaliya iyo weliba Xukuumadda uu soo dhisayo.
Warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow Xafiiska Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa waxay sheegayaan in Xukuumadda uu Ra’iisal Wasaaraha soo dhisayo ay noqon doonto mid ay ku jiraan Xildhibaano ahaan jiray Hoggaamiye Kooxeedyadii Dalka Soomaaliya walow aan la sheegin magacyada xubnahaas.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa markii dhawaan loo magacaabay xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya waxaa uu sheegay in Xukuumadda uu soo dhisi doono ay xoogga saari doonto Nabadgelyada, Dib u heshiisiinta iyo weliba Fududeynta Gargaarka Bani’aadannimada, kuwaasi oo dhamaantood ah kuwo ay xiligan ugu baahi badan yihiin Dadka Soomaaliyeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia