Jimco, November 30, 2007(HOL):Mid ka mid ah ciidamada Dowlada Federaalka ayaa ku geeriyooday mid kalana waa ku dhaawacmay weerar habeenkii xalay lagu qaaday Deegaana Kala-beyr oo fariisin u ahaa Ciidamada Dowlada Federaalka ee ku sugan Gobalka Hiiraan.
Sidoo kale kooxha weerarka soo qaaday ayaa sida wararku sheegayaan ka qaaday Barta-koontarool qaar ka mid ah hubkii Ciidamada, waxaana warku intaa ku darayaa in waqti kooban halkaa ay joogeen kooxda weerarka soo qaaday.
Askariga dhintay oo lagu magacaabi jiray C/fitaax Farasle iyo kan dhaawcmay ayaa labada la soo gaarsiiyay Isbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne oo ay isugu soo baxeen qaar ka mid ah dadka magaalada oo wax iska weydiinayay weerarka iyo sida uu ku dhacay.
Ciidamada Itoobiya oo saakay gaaray Deegaanka Kala-beyr ayaa wararku sheegayaan in ay soo qabteen gaar noociisu yahay (TAYOTO) kasoo sida la sheegay ciidamadu ka shakiyeen, waxaana jira wali baaritaano ciidamadu ka wadaan halka iska hor-imaadku ka dhacay.
Ilaa hadda lama in kooxaha weerarka soo qaaday ka mid yihiin kooxihii dhawaan weerarka ku qaaday Kolanyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sii jeeday dhinaca Gobalada dhaxe, inkastoo dadku intiisa badan rumeysan yahay in kooxaha kacdoonka wada yihiin kuwo gacan saar la leh Maxkamadihii islaamiga kuwaasoo doonaya in ay rabshado ka abuuraan watada isku xirta gobalada dhaxe.
Dhinaca kale Ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay Deegaanka Janta-guudisho ayaa maalintii shalay xabisga dhigay Nin ka tirsanaa Maxkamadii islaamigaa oo lagu magaacbo Garaad islamarkaana siweyn looga yaqaano gudaha gobalka Hiiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia