9.7 C
London
Thursday, October 23, 2025

Maxamed Dheere oo Nabadgelyo-darrada ka jirta Magaalada Muqdisho ku eedeeyay Dowladda Eritrea

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, November 03, 2007(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa Nabadgelyo darrada ka jirta Magaalada Muqdisho wuxuu ku eedeeyay Dowladda Eritrea.

 

Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in sababta uu Dowladda Eritrea arrintaas ugu eedeynayo ay tahay iyadoo soo hubeysa Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in ay u soo dirto miinooyin iyo hub kale.

 

Maxamed Dheere waxaa uu ku eedeeyay Dowladda Eritrea in ay lacago Shillin Soomaali been abuur ah soo gelin jirtay muddo dheer Dalka Soomaaliya, isla markaana ay lacagtaas ku bedelan jirtay Lacag Doollar ah oo sida uu yiri ay kula dagaalami jirtay Dowladda Itoobiya, “Efawerki (Madaxweynaha Eritrea) wuxuu qaadan la’ yahay in aan Dowlad leenahay oo aan iska diideyno wixii uu Soomaaliya ka sameyn jiray”ayuu yiri Maxamed Dheere.

 

Maxamed Dheere oo ka hadlayay Seminaar loo qabtay xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa kale oo uu  soo hadal qaaday kooxaha dilalka ka geysta Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo uu sheegay inay iska celin karaan Dadka Muqdisho haddii ay xaafad-xaafad isugu xirmaan, “Haddii aad isku xirantaan waad awoodi kartaan in aad difaacdiin nabadgelyadiina iyo sharaftiina, mana idinka adkaan karaan wiilal yar oo bastoolado wata”ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in Dadka Muqdisho haddii ay warmo soo tuntaan ay iska celin karaan kooxaha nabadda u diidan.

 

Dhanka kalena Maxamed Dheere waxaa uu taageeray qodobo ka soo baxay shir ay qaar ka mid Salaadiinta Beesha Hawiye ku yeesheen Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ku baaqay in la joojiyo xabadda Muqdisho ka socota, in Dadkii Muqdisho ka barakcay ay dib u soo noqdaan iyo in Khilaafaadyada jira Nabad iyo Wada hadal lagu xaliyo.

 

Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Hadalka uu maanta sii daayay Maxamed Dheere ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Xubno mucaarad ku ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Dalka Eritrea ay sheegaan in ay dagaal la gelayaan Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).