9.7 C
London
Thursday, October 23, 2025

Maxamed Xasan Xaad oo sheegay in ay jiraan wada hadallo laga leeyahay in la is-dhaafsado Meydadka Askar Itoobiyaan ah iyo Dad ay Itoobiyaanku hayaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, November 03, 2007(HOL): Guddoomiyaha  Garab ka mid ah Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in ay xiriir la soo sameeyeen Oday Dhaqameedyo ka tirsan Beelaha Hawiye oo shir ku yeeshay Hotelka Ramadaan ee Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo  sida uu yiri u sheegay in dagaalkii shalay Muqdisho ka dhacay ay ku qaldanaayeen Ciidamada Itoobiya.

 

Maxamed Xasan Xaad waxaa uu sheegay in ay Odayaasha la soo xiriiray u sheegeen in shirka ka dhacay Hotel Ramadaan uu ahaa mid looga hadlayay Nabadda Muqdisho, isla markaana aan la isku ogeyn in  Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa Itoobiya ay Howlgallo sameeyaan.

 

“Waxay kaloo ii sheegeen Odayaasha ila soo xiriiray in ay la hadleen Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho ku sugan, kuwaasi oo ka garaabay dagaalkii ay soo qaadeen, iyagoo dalbaday in meydadka looga dilay Dagaalkii shalay la siiyo, iyaguna ay ballanqaadeen inay soo deyn doonaan Dad ay shalay qafaasheen xaafadihii ay dagaalladu ka dhaceen”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.

 

Maxamed Xasan Xaad waxaa uu intaas ku daray in shalay ilaa xalay saq dhexe ay socdeen wada hadallo laga lahaa sidii la isu dhaafsan lahaa Meydadka iyo Dadka ay hayaan, “ilaa iyo hadda waa noo suurtagashay in aan Meydadkooda siinno, waxaase weli dhanka Itoobiyaanka laga sugayaa in ay soo daayaan Dadkii ay qafaasheen”ayuu mar kale yiri Maxamed Xasan Xaad.

 Halkan ka dhegeyso
 Hadalka Maxamed Xasan Xaad

Dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo u dhaxeeyay Ciidamo Itoobiyaan ah o fariisin ku leh Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga iyo Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday ayaa wuxuu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray Dad rayid ah iyo dhinacyadii dagaallamayay.

 

Meydadka ilaa shan Askari oo Itoobiyaan ah oo seddex ka mid ah la soo dhigay Isgoyska Baar Ubax ayaa la xaqiijiyay, kuwaasi oo lagu soo dilay dagaalkii ka dhacay Deegaanka Gubta, iyadoo dhinaca kalena ay Ciidamada Itoobiyaanka dileen Dad Rayid ah oo intii uu dagaalka socday ay ugu galeen guryo ay ku jireen.

 

Dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ku soo beegmay iyadoo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) uu sheegay in ay joojiyeen howlgalladii lagu sugayay Ammaanka Muqdisho, isagoo caddeeyay in joojinta Howlgallada ay ka codsadeen Odayaasha Hawiye oo sida uu yiri ka ballanqaaday in ay wax ka qabanayaan Amni darrada ka jirta Magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).