9.7 C
London
Thursday, October 23, 2025

Oday Dhaqameedyo ka tirsan Beesha Hawiye oo baaq u diray Dhinacyada ku dagaalamaya Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, November 03, 2007(HOL): Waxaa maalintii shalay ahayd shir ku yeeshay magaalada Muqdisho qaar ka mid ah Oday Dhaqameedyada Beelaha Hawiye, kuwaasi oo shirkooda uu ku saabsanaa xaaladda nabadgelyo la’aaneed ee ka taagan Magaalada Muqdisho.

 

Shirkan oo ka dhacay Hotelka Ramadaan, isla markaana uu shir guddoominayay Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa waxaa looga hadlayay sidii ay Beelaha Hawiye uga qeybqaadan lahaayeen Sugidda Ammaanka Muqdisho oo muddo bilooyin ah aad u sii xumaanayay.

 

Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo shirkaas kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay shirkooda ka soo baxeen baaqyo ay ka mid ahaayeen in Dhinacyada ku dagaallamaya Magaalada Muqdisho ay Xabadda joojiyaan, in Shirarka Nabadda la sii wado, lagana bilaabo la kulanka Guddiga Hawiye magaciisa leh ee Dalka iyo dibadda la xiriira, in Dadka barakacay uu ku soo laabto guryahiisa, Hay’addaha gargaarkana ay Maatada kaalmeeyaan, Dowladda Federaalkana laga helo farsamadii dadkaas lagu kaalmeyn lahaa, in Ciidamada Dowladda ay noqdaan kuwo tababaran oo Dadka xaqiisa yaqaana, isla markaana aanan boobin, waa sida uu hadalka u dhigay Imaam Maxamuud

 

Sidoo kalena Suldaan Cali Suldaan Axmed Nuur oo isna Saxafiyiinta la hadlay ayaa sheegay in ay xiriir la sameeyeen Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, garabka uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad, wuxuuna caddeeyay inay Odayaasha ka codsadeen in muddo labo maalmood ah la siiyo si ay go’aan uga soo gaaraan ka qeybgalka shirka loogu yeerayo.

 

Haddaba Shirka ka dhacay Hotelka Ramadaan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Xaaladda Ammaan ee Magaalada Muqdisho ay tahay mid aan hagaagsaneyn, isla markaana ay saacadihii la soo dhaafay ka dhaceen Dagaallo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).