11.6 C
London
Wednesday, October 15, 2025

Khasaaraha uu geystay Dagaal maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho oo isa soo taraya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, November 29, 2007(HOL): Waxaa isa soo taraya khasaaraha uu geystay dagaal xooggan oo maanta ka dhacay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, gaar ahaan Deegaanka Suuqa Xoolaha ee Degmada Huriwaa, kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamo Itoobiyaan iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
 
Ilaa shan Ruux oo Rayid ah iyo Seddex Askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu arkay goobihii ay maanta dagaallada ka dhaceen, iyadoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in khasaaraha dagaalka uu intaas ka sii badan karo, bacdamaa ay jrieen Dad ay madaafiic habow ah guryahooda ugu tageen, kuwaasi oo qaarkood dhaawacooda loola cararay Isbitaalka Keysaney ee duleedka Muqdisho.

Agaasimaha  Isbitaalka Keysaney Cali Bile ayaa sheegay in  Dad ku dhow 20 ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan ay maanta ka soo gaareen dhinaca Deegaanka Suuqa Xoolaha iyo weliba Xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa, halkaasi oo ay dagaallo culus ka dhaceen, wuxuuna sheegay Agaasimaha in Dadka la soo gaarsiiyay ay qabaan dhaawacyo kala duwan oo isugu jira kuwo fudud iyo kuwo culus.

Dadka dhaawaca ah oo u badan dad guryahooda ay ugu tageen madaafiic iyo rasaas yar yar oo habow ah ayaa waxaa daweyn loogu sameeyay Isbitaalka Keysaney oo ka mid ah Isbitaallada la dhigo dadka wax ku noqda Dagaallada, Qaraxyada iyo is-rasaaseynta ka dhaca magaalada Muqdisho.

Dagaalka maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ahaa mid aad u culus oo ay Ciidamada Itoobiyaanka ku adeegsadeen Taangiyada Dagaalka, waxaana daryanka madaafiicda Taangiyada laga tuuro laga maqlayay meelo ka fog halka uu dagaalka ka socday.

Marka laga soo tago khasaaraha nafeed ee uu geystay dagaalkan ayaa waxaa uu geystay khasaare maaliyadeed oo soo gaaray ganacsato iska lahayd Warshad Isbuunyada lagu sameyn jiray, taasi oo gebi ahaanba wada gubatay kagadaal markii ay ku dhaceen madaafiicdii dagaalka la isugu adeegsaday.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dagaalka ayaa bilowday  sida ay goob-joogayaal ku sugan Deegaan ka Suuqa Xoolaha ay HOL u sheegeen kadib markii Ciidamo Itoobiyaan ah isku dayeen in ay howlgallo ka sameeyaan Deegaanka Suuqa Xoolaha, kuwaasi oo markii ay damceen in ay howgallada bilaabaan ay ku soo bilaabatay rasaas kaga imaaneysay dhinaca Kooxo ka soo horjeeda joogitaankooda dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).