Arbaco, November 28, 2007(HOL): Xubno ka tirsan Gudiga Dib u heshiisiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa ku eedeeyay in Gudoomyaha Gudigaas Mudane Ismaaciil Macalin Muuse inuu hareer maray sharciga iyo xeer hoosaadka gudiga kadib markii soo saaray qoraal ay xubnahaas ku sheegeen been abuur, uuna xilka kaga qaaday xoghayha gudigaas.
Shir Jaraa’id oo ay xubnahan ku qabteen xarunta dib u heshiista Qaranka lee Magaalada Baydhabo ayay ku sheegeen in Guddoomiyaha Gudigaasi Mudane Ismaaciil Macalin Muuse uu gabi ahaanba ku tuntay sharcigii u degsanaa gudiga, isla markaana uu isticmaalay awood uusan lahayn, taasoo uu ku sheegayay inuu xilkii ka xayuubiyay xoghaya gudiga dib u heshiisiinta Mudane Tahliil Cabdi Max’ed.
“Waxaa wax lala yaabo ah in gudiga dib u heshiisiinta qaranka oo la doonayo inuu ka shaqeeyo howlaha dib u heshiisiinta oo haatanba maraya meel xasaasi ah oo khilaaf ka dhex abuurmo xubnaha gudiga, iyadoo sababta khilaafkaasna uu iska leeyahay gudoomiyaha gudiga “ayuu yiri Tahliil Cabdi Max’ed oo ah Xogeeyaha Guddiga dib-u-heshiisiinta Qaranka oo intaas sii raaciyay in Guddoomiyaha uu raray qalab xafiiseedka Guddiga isagoo aan la socodsiin xubnaha gudiga.
Shirkaas jaraa’id ayaa waxaa goob joogayaal ka ahaa xubno ka tirsan gudiga dib u heshiisiinta qaranka oo kala ah:-
C/kariin Cali Afrax
Tahliil Cabdi Max’ed
Sheekh Xasan C/llahi Isaaq (Sh.Gaas)
Muqtaar Abuukar Max’ed
Isaaq Malaaq Ibraahim
C/llahi Cabdi Cigaal
Siid Cali Cabdi Muxiyidiin
Xamdi Xasan Ibraahim
Caasho Cali Cabdi iyo Xubno kale
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia