10.9 C
London
Wednesday, October 15, 2025

MADOOBE NUUNOW: “ Saxaafadda ka howlgasha Magaalada Muqdisho waxaan ka codsaneynaa in ay dul-qaataan tan iyo inta uu ka soo baxayo Sharciga Saxaafadda”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, November 27, 2007(HOL):  Wasiirkii hore ee Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed ayaa Saxafiyiinta ka howlgasha Magaalada Muqdisho wuxuu ugu baaqay in ay dul-qaataan tan iyo inta dhawaan laga soo saarayo sharciga Saxaafadda oo Baarlamaanka horyaalla.
 
Madoobe Nuunow Maxamed waxaa uu sheegay in dhawaan uu Baarlamaanka Soomaaliya ka soo bixi doono sharci saxaafadda lagu dhaqi doono, kaasi oo sida uu yiri soo af-jari doona dhibaatada  iyo is-qab-qabsiga ka dhex taagan Dowladda Federaalka iyo Saxaafadda Maxa banannaan.

Madoobe Nuunow waxaa uu carrabka ku dhuftay in sababta ugu weyn ee ay mar kasta isugu dhacaan Warbaahinta Muqdisho iyo Dowladda Federaalka ay la xiriirto iyadoo uusan jirin sharci kala xakameeya labada dhinac, wuxuuna rajeeyay in marka uu sharciga saxaafadda soo baxo ay yaraan doonaan dhibaatooyinka heysta saxaafadda.

Hadalka Madoobe Nuunow ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Baarlamaanka Soomaaliya  uu horyaallo sharci lagu dhaqayo saxaafadda madaxa bannaan iyo weliba iyadoo uu shalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) uu soo saaray sharciga lagu xakameynayo howlaha saxaafadda.
 
Amarka uu soo saaray Maxamed Dheere ee  lagu soo rogay Warbaahinta Muqdisho ayaa waxaa qodobadiisa  ka mid ah in aan la sheegi karin Howlgallada ay sameeyaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, iyadoo aysan ka hadlin saraakiisha howlgallada ku shaqada leh, in aan la sheegi karin tirada Dadka ka barakaca Magaalada Muqdisho iyadoo aan la heynin tiro-koob sax ah iyo in aan la buun-buunin karin dhinacyada ka soo horjeeda Dowladda Federaalka haddii ay gudaha dalka joogaan iyo haddii ay ka maqan yihiin intaba.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa u xiran seddex Idaacadood oo ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ka howlgala, kuwaasi oo kala ah Shabeelle, Simba iyo Banaadir, walow ay socdaan dadaalllo lagu doonayo in dib hawada loogu soo celiyo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).