14.5 C
London
Thursday, October 16, 2025

Kooxo hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsanaayeen Maxkamadihii Islaamka oo xalay gudaha u galay Degmada Mataan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, November 24, 2007(HOL):  Sida uu sheegay Guddoomiyaha Degmada Mataan ee Gobalka Hiiraan C/laahi Warsame Daba-gooye waxaa habeenimadii xalay si lama filaan ah gudaha iyo daafaha degmada Matabaan  soo galay Kooxo aad u hubeysan oo sida wararku sheegayaan loo maleynayo in ay ka tirsanaayeen Maxkamadihii Islaamiga.
 
Ciidamada oo sida uu gudoomiyaha Degmada sheegay  ku hubeysnaa hubka Fudud ayaa ku war galiyay dadka Rayidka ah in aysan wax cabsi ah muujin isla markaana ay doonayaan oo kaliya in ay ka iibsadaan Degmada wax-yaabo ay u baahan yihiin, lakiin waxaa ay markii danbe kooxahaasi weerar ku qaadeen barkoontarool oo sida la sheegay fariisin u aheyd kooxo maleesho ah kaasoo uu dhaawac ka soo gaaray mid ka mid ah maleeshiyadii joogtay Jid-gooyada ama Koontaroolka.
 
Ilaa hadda lama oga sababta keentay dhaq-dhaqaaqa kooxahani ka wadaan qeybo ka mid ah gobalada dhaxe gaar ahaan Gobalka Hiiraan oo isla maalintii shalay sidoo kale kooxo hubeysan ku weerareen Deegaanka Bacda ciidamo ka tirsanaa kuwa Maamulka Gobalka Hiiraan halkasoo oo logu dhaawacay labo ka tirsan Ciidamadii Maamulka.
 
Arimahan ayaa ku soo beegmaya xili maalmihii aynu soo dhaafnay la hadal hayay wararka sheegaya in ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo ay wadaan kooxo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Maxkamadihii laga itaalka roonaaday, sidoo kale waxaa xusid mudan in uu jiro dhaq-dhaqaaq iyana ay wadaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan deegaanka Jane-guudisho kuwaasoo ku raad-jooga sidii ay xog-buuxda uga heli lahaayeen halka dhab ahaan fariisinka u ah kooxaha weeraray deegaanka Bacda.
 
C/raxmaan Diini, Hiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).