Jimco,
Qadada uu Madaxweynaha u sameeyay Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa la sheegay in ay ku saabsan tahay sidii uu Madaxweynaha uga dhaadhicin lahaa Mudanayaasha in ay meel-mariyaan qodobo ka soo baxay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan ku dhamaaday Magaalada Muqdisho, kaasi oo go’aannadii ka soo baxay oo buug laga soo dhigay loo qeybiyay Xildhibaannada.
Maalinta Berri ah ayaa la filayaa in ay Xildhibaannada Baarlamaanka Dood ka yeeshaan go’aannadii ka soo baxay Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwo aan la ogeyn sida ay Mudanayaasha Baalramaanka u ogolaan doonaan, waxaana qodobadaas ka mid ah in Xubnaha Xukuumadda gelaya laga soo dooran karo Baarlamaanka dhexdiisa iyo Dibaddiisa, halka Axdi Qarameedka u degsan Dowladda Federaalka uu dhigayo in Xubnaha Xukuumadda laga qaadan karo kaliya baarlamaanka gudahiisa.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maalmahan wuxuu magaalada Baydhabo ka wadaa la-tashiyo ku saabsan cidda uu u soo magacaabayo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, isagoo heysta muddo 30 maalmood ah oo uu ka fiirsan karo cidda uu soo magacaabayo.
Dhanka kalena, Xildhibaanad Sahra C/qaadir C/raxmaan oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegtay in xalay ay handadaad ku sameeyeen rag ay sheegtay in ay ka socdeen Xarunta Madaxtooyada Baydhabo, kuwaasi oo sida ay sheegtay ay u soo kaxeysatay Xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanad Sahra C/qaadir oo ka mid ah Xildhibaanadii taageersanaa Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa waxay intaas ku dartay in Xildhibaanaddaas oo aysan magacaabin ay ugu hanjabtay in aysan Baydhabo sii joogi doonin haddii aysan joojin mucaaradnimada ay ku heyso waxyaabaha ay wataan waa sida ay hadalka u dhigtaye.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online