9.7 C
London
Thursday, October 23, 2025

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka oo Muqdisho lagu dhaawacay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, November 02, 2007(HOL): Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu dhaawacay Suuq Bacaad oo ah Suuqa labaad ee Magaalada Muqdisho.

 

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Cilmi Maalin ayaa waxaa toogtay kooxo hubeysan xili uu ku sugnaa meel lagu qaxweeyo oo ku taala gudaha Suuq Bacaad, waxaana kadib loola cararay Isbitaalka Keysaney ee duleedka Muqdisho, halkaasi oo lagu daweynayo.

 

Kooxaha hubeysan ee Sarkaalkaas dhaawacay ayaa baxsaday sida ay ku warameen Dad ka dhawaa halka lagu dhaawacay, waxaana kadib halkaas gaaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo qaaday dhaawacii Sarkaalka.

 

Weerarka lagu dhaawacay Sarkaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xalay magaalada Muqdisho lagu dilay Guddoomiye Waaxeed ka tirsan Degmada Howl-Wadaag, kaasi oo lagu magacaabi jiray Xuseen Cali Cibaar.

 

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay xoogga ku timid Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Ciidamo Itoobiyaan ah waxaa ku soo badanayay weerarro lagu qaado fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya iyo weliba dilal loo geysto cid kasta oo la shaqeysa Dowladda Federaalka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).