Isniin, November 19, 2007(HOL): Madaxda Idaacadaha ka howlgala Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa shir ay ku yeesheen Xarunta Idaacadda Banaadir waxay ku go’aansadeen in ay muddo 24 saacadood ah sameeyaan shaqo joojin baroor-diiq ah.
Shaqo joojinta ay sameynayaan Idaacadahan ayaa waxaa loogu baroor-diiqayaa Idaacadaha Shabeelle, Simba iyo Banaadir oo ay xirtay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo muddo todobaad ku dhow ay albaabada u laaban yihiin.
Agaasimaha Idaacadda Somaliweyn C/raxmaan Maxamed Xasan Xudeyfi ayaa sheegay in ay garteen in ay shaqo joojin sameeyaan kadib markii ay dhinacyadooda ka waayeen Idaacadihii kale ee ay ka wada shaqeynayeen Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lagu xiray amar ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Waxaan go’aansannay in aan shaqada joojino muddo 24 saacadood ah, innaga oo muujineyna sida aan uga xunnahay shaqo joojinta lagu sameeyay Idaacadaha Shabeelle, Simba iyo Banaadir”ayuu yiri C/raxmaan Xudeyfi oo intaas ku sii daray in aaney ilaa iyo haatan caddeynin Dowladda Federaalka waxa ay Idaacadahaas u xiran yihiin.
Ugu dambeyntiina, Idaacadaha shaqo joojinta sameeyay ee shaqeynayay ayaa waxaa ka mid ah Horn Afrik, Somaliweyn, IQK, VOD, Xurmo iyo Iqra, waxayna haatan dadka Muqdisho yihiin kuwo dhego la’ oo aan la socon dhacdooyinka ka dhaca gudaha Dalka Soomaaliya iyo weliba dibaddiisa, kuwaasi oo ay u soo gudbin jireen Idaacadahan shaqo joojinta ku dhawaaqay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia