15.4 C
London
Saturday, October 18, 2025

Maamulka Gobolka Banaadir oo Hay’adda WFP ku eedeeyay in ay ka soo horjeedo wax soo saarka Dalka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, November 19, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta wuxuu eedeyn dusha uga tuuray Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP, taasi oo uu ku eedeeyay in aysan waxba u qaban Dad Qaxooti ah oo ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya.
 
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha Bulshada Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) ayaa sheegay in ay magaalada Muqdisho ku sugan yihiin Dad badan oo Qaxooti ah, kuwaasi oo ka soo barakacay Gobollo ka tirsan Dalka Soomaaliya, “Dadkaasi qaxootiga ah waxba ma siiso WFP, waxayna Magaalada Muqdisho ka dhigatay Bakhaarro ay ku keydsato Raashinka dadkaas qaxootiga ah loogu talagalay”ayuu yiri Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur.
 
Guddoomiye ku xigeenka waxaa uu sheegay in Hay’adda WFP intii ay raashinka siin lahayd dadka qaxootiga ah ay taasi bedelkeeda u qaado gobollada leh dhul beereedyada, isla markaana ay Dadka Beeraleyda ah siiso marka la gaaro xiliga ay Beeraha tacban lahaayeen ama ay u soo go’aan waxyaabihii ay beerteen.
 
Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur oo eedeyntiisa sii wata waxaa uu intaas ku daray in Waddooyinka qaarkood lagu arko Gaadiid Kumaan Kun ah oo ay ku raran yihiin raashin ay WFP keentay, “Raashinkaas waddooyinka lagu arkayo qaarkiis waxay siisaa WFP Beeraleyda, qaar kalena Jidka ayaa looga iibsadaa”ayuu mar kale yiri Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur.
 
Caalamka ayuu ugu baaqay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha Bulshada in uu wax ka qabto sida uu hadalka u yiri dhibaatada ay WFP ku heyso Qaxootiga Soomaaliyeed, isagoo caddeeyay in dhibaatada ay geysaneyso WFP loo diinwaangelinayo, isla markaana lagula xisaabtamo.
 
Eedeyntan ka timid Maamulka Gobolka Banaadir ee ku socota Hay’adda WFP ayaa waxay ku soo beegmayaa iyadoo saaka ay Dekedda Magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ay ku soo xirteen labo Markab oo u raran Hay’adda WFP, kuwaasi oo wada raashin mucaawino ah.
 
Labadan Markab oo lagu kala magacaabo M.V Rosen iyo M.V Samlow ayaa waxaa Dekedda Marka keenay Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Badda Dowladda Faransiiska, kaasi oo soo galbiyay Dekedda Mombasa ee Dalka Kenya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, ilaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca WFP oo ku saabsan eedeynta uu u jeedinayo maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo ay xusid mudan tahay in uu eedeyn tan la mid ah uu horay ugu jeediyay WFP Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).