15.4 C
London
Saturday, October 18, 2025

Dad Soomaaliyeed oo muddo todobaad ka badan ku xayiran Garoonka Joma Kenyata ee magaalada Nairobi

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, November 19, 2007(HOL): Dad  badan oo Soomaali ah oo ka cararay dhibaatada ka taagan magaalada Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa in ay muddo todobaad ka badan ku xayiran yihiin Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyata ee Magaalada Nairobi.
 
Dadkani oo isugu jira Caruur, Haween, Dad Waayeello ah iyo weliba kuwo itaal leh oo dadkaasi maatida ah kaxeynayay ayaa waxaa garoonka Jomo Kenyata ku soo celisay diyaaradda Kenya Airways, kadib markii laga soo diiday garoonka Kampala ee dalka Uganda.

Maxamed Axmed Sabriye oo dadkani ka mid ah ayaa sheegay in ay been u sheegtay Shirkadda Diyaaradaha Afrika Airways, taasi oo uu carrabka ku dhuftay in ay u sheegtay in ay u heyso Fiisooyin lagu geli karo dalka Uganda.

“Muqdisho ayaan ka baxnay, waxaan sii marnay Kenya oo ay na geystay Diyaaradda Afrika Airways, taasi oo nagu sii xawishay Kenya Airways oo iyadana noo qaaday dhinaca Kampala, balse waxay talo faraha ka baxday markii naloo diiday in aan gudaha u galno Dalka Uganda, iyadoo sababta naloogu diiday ay tahay in aanan heysan fiisooyin”ayuu yiri Maxamed Axmed Sabriye oo sheegay in ay ku dhibaateysan yihiin garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyata.

Hayeeshee dhibaatada dadkaas waxaa ku soo baxay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Maxamed Cali Ameerika oo dadkaas garoonka ugu geeyay Cunto ay cunaan iyo cabitaanno ay cabaan, iyadoo dadkii xanuunsanayay uu u saamaxay fursado lagu geyn karo goobaha caafimaadka.

Safiirka oo la soo xiriiray HOL ayaa sheegay in uu  haatan ku howlan yahay sidii dadkaasi looga saari lahaa garoonka Jomo Kenyata, isla markaana loo geyn lahaa meelo ay degaan, iyadoo kadibna baaritaan lagu sameyn doono qaabka ay shirkaddii Soomaaliya ka soo qaaday ay ugu waday Dalka Uganda.

Ugu dambeyntiina, Dadka ku dhibaateysan Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyata ayaa waxay si weyn ugu mahadceliyeen Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Ameerika oo ay sheegeen in uu u soo gurmaday, isla markaana uu u noqday afhayeen dhibkooda banaanka soo dhiga.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).