12.1 C
London
Saturday, October 18, 2025

3 Qof oo xalay lagu dilay Magaalada Gaalkacyo iyo banaanbax dilkaas looga soo horjeedo oo maanta dhacay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, November 18, 2007(HOL): Wararka ka imaanaya Koofurta Magaalada Gaalacyo ayaa waxay sheegayaan in xalay halkaas lagu dilay seddex Ruux, kuwaasi oo mid ka mid ah  loo dilay Aano Qabiil, halka labada kalena loo dilay sabab la xiriirtay Taleefoonno gacan-qaad ah oo laga dhacayay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dilka seddexaas ruux ay geysteen kooxo hubeysnaa oo markii ay dilka geysteen kadib baxsaday, kuwaasi oo aaney suurtagelin in gacanta lagu dhigo intii aysan baxsan.

Haddaba Dadka Magaalada Gaalkacyo oo si weyn uga xumaaday dilka loo geystay seddexdaas ruux ayaa waxay saaka ka dhigeen Barxadda Xaafadda Wadajir ee Magaalada Gaalkacyo  banaanbax aad u ballaaran, kaasi oo  dadkii ka qeybgalay ay muujinayeen sida ay uga xun yihiin dilalka ka soo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamullada Gal-Mudug State iyo Puntland State oo banaanbaxaas ka qeybgalay ayaa  sheegay in lagu dabo-jiro kooxihii dilkaas geystay, isla markaana gacanta lagu soo dhigi doono, iyagoo dhinaca kalena dadka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamo nabadgelyada suga oo dhawaan laga howlgeliyay magaalada Gaalkacyo.

Culumaa’udiin ka hadlay banaanbaxa ayaa iyana waxay sheegeen in dilka loo geystay seddexdaas ruux uu ahaa mid waxashnimo ah oo aaney baneynin Diinta Islaamka, waxayna ku baaqeen in laga digtoonaado in lagu kaco dilal noocaas oo kale ah.

Sidoo kalena Dadkii Banaanbaxa isugu yimid ayaa Allaah SWT uga mahad-naqay Raxmadda Roobka Deyrta oo ka curatay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug, sidoo kalena waxay banaanbaxayaashu soo dhaweeyeen Isbaarooyin laga qaaday inta u dhaxeysa Magaalada Gaalkacyo iyo Deegaanka Gelinsoor kuwaasi oo Dadka iyo Gaadiidka Socotada ah lagu baaran jiray.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxay u qeybsan tahay labo (Koofur iyo Waqooyi), waxaana labada dacal oo ay u qeybsan tahay ka kala taliya labo maamul oo kala ah Puntland State oo magaalada Waqooyigeeda xukuma iyo Gal-Mudug State oo isna ka taliya Magaalada Koofurteeda, walow ay labada maamul leeyihiin xiriir wada shaqeyneyd.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).