12.1 C
London
Saturday, October 18, 2025

Ciidamo Itoobiyaan ah oo saaka ku dheelmaday Degmada Dayniile oo ay howlgallo baaris ah ka sameynayaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, November 18, 2007(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa saaka waxay ku dheelmadeen xaafado ka tirsan Degmada Dayniile, halkaasi oo la sheegay in ay fariisin ka sameysteen, isla markaana ay howlgallo ka wadaan.
 
Ciidamadan Itoobiyaanka ah oo wata gaadiidka Dagaalka iyo Gaadiid kale oo ay sahaydooda u saaran tahay ayaa waxay fariisin ka dhigteen meel aan u dheereyn guriga uu Deegaanka Dayniile ku leeyahay Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax.
 
Lama oga in ay Ciidamadan halkaasi ku sii negaan doonaan iyo in ay ka tegi doonaan marka ay howlgallada dhameystaan, inkastoo dadka deegaankaas ku dhaqan ay sheegayaan in Ciidamadu ay ula muuqdeen kuwo deegaankaas xarun ka sameysan raba.
 
Ciidamo kale oo Itoobiyaan ah ayaa iyana maalintii afaraad waxay howlgallo ka wadaan Deegaanka Gubta oo ka tirsan Degmada Dayniile, iyadoo seddex maalmood oo maanta ka horeysayna uu deegaankaas ahaa mid aaney ka jirin dhaqdhaqaaqyo ganacsi iyo xitaa dhaqdhaqaaqyada Dadka iyo Gaadiidka Xaafadahaas isticmaali jiray.

Guddoomiyaha Degmada Dayniile Xaaji Cumar Xaaji Cali ayaa sheegay in ay Ciidamada Itoobiyaanka howlgallada sii wadi doonaan tan iyo inta laga sugayo ammaanka Deegaanada hoos-yimaada Degmada Dayniile, wuxuuna caddeeyay in marka ay howlgallada soo dhamaadaan dadka loo sheegi doono in ay howlgalladii dhamaadeen.

Dhanka kalena, waxaa weli haawanaya oo aaney dadkii deganaa dib ugu soo noqonin xaafado ku teedsan Waddooyinka 30-ka iyo Warshadaha, halkaasi oo la xusuusan yahay inay Dadkii deganaa ka carareen kadib markii ay Ciidamada Itoobiyaanka si aan kala sooc lahayn ay dileen Dad boqol ruux ku dhow, kuwaasi oo ay ku jireen Caruur, Haween iyo Dad Waayeello ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).