Axad, November 18, 2007(HOL): Rag ku labisan Dharka Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxay toogteen Guddoomiyaha Waaxda Xaawo Taako ee Degmada Waaberi, kaasi oo lagu magacaabi jiray Xuseen Xasan Yuusuf.
Guddoomiyaha Degmada Waaberi Axmed Mire Makaraan ayaa sheegay in Guddoomiyihii Waaxda Xaawo Taako ay dileen labo nin oo qabay dharka cagaaran ee Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwaasi oo uu sheegay in ay doonayeen inay marxuumka ka qaataan taleefoon Mobile ah oo uu heystay.
“Dad joogay meel aan u dheereyn ayaa waxay sheegeen in marxuumka oo hor-fadhiyay gurigiisa ay u yimaadeen labada nin ee dishay, kuwaasi oo ku amray inuu Mobile-ka soo dhiibo, hayeeshee uu marxuumka ka dhego-adeygay dabadeedna ay sidaas ku dileen”ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Waaberi Axmed Mire Makaraan.
Dilka loo geystay Guddoomiyihii Waaxda Xaawo Taako ee Degmada Waaberi ayaa wuxuu ka duwan yahay dilal in muddo ah loo geysan jiray Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo kuwa Waaxaha, waxaana Muqdisho lagu dilay 7 Guddoomiye Degmo oo madax ka ahaa Degmooyinka Yaaqshiid (seddex Guddoomiye), Huriwaa (labo Guddoomiye), Howl-Wadaag iyo Shibis, iyadoo sidoo kalena la dilay Guddoomiye ku xigeenno iyo Guddoomiye Waaxeedyo.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay gacan ku heynteeda la wareegeen Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah waxaa ku soo badanayay dilalka loo geysanayo Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay bartilmaameedsadaan kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda Siyaasadda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia