Axad, November 18, 2007(HOL): Ganacsatada ku ganacsata Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn ee Soomaaliya ayaa waxay si tartiib tartiib ah u bilaabayaan howlahooda ganacsi kadib markii ay muddo todobaad ku dhow aysan Suuqa u soo shaqo tegin.
Marka aad dhexmarto Suuqa Bakaaraha ayaa waxaad arkeysaa Goobo ganacsi oo weli xiran, kuwaasi oo la sheegay in ganacsatadii lahayd ay weli dhowrayaan tan iyo inta Suuqa laga wada furayo, halka la arkayo ganacsato kale oo goobahooda ganacsi furtay, inkastoo aysan wada furin albaabada goobahooda ganacsi ay leeyihiin.
Sababta ay Ganacsatada u wada furi la’ yihiin goobahooda ganacsi ayaa waxay tahay iyadoo gudaha Suuqa ku sugan yihiin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ganacsatada qaarkood ay ka baqayaan in ay dhac u geystaan.
Suuqa Bakaaraha ayaa tan iyo markii ay galeen Ciidamada Dowladda Federaalka waxaa uu yahay mid aaney ka dhcin dilal iyo qaraxyo ka dhici jiray, waxaana nabadgelyadaas soo dhaweeyay dadka ku ganacsada Suuqa Bakaaraha iyo weliba Dadka wax ka iibsada oo si weyn u baqi jiray marka ay Suuqa soo aadaan.
Dhanka kalena ganacsatada yar yar ee goobaha ganacsi ku lahaa hareeraha waddooyinka dhexmara Suuqa Bakaaraha ayaa waxay muujinayaan cabasho ku saabsan amar uu ku soo rogay maamulka Gobolka Banaadir, kaasi oo ahaa inay isaga guuraan hareeraha waddooyinka, iyadoo ciddii ka guuri weysana loo sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo ganacsatadaas qalabka Warbaahinta kala hadlay ayaa sheegay in Ganacsatada iibiya qoryaha wax lagu shito, kuwa gaari gacamada wax ku iibiya iyo kuwa qudaarta la kala dejin doono Suuqii Ceel Garweyne, Xamar Weyne iyo Siinaay, halkaasi oo uu sheegay in looga diyaarin doono boosas ay ku ganacsadaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia