12.4 C
London
Sunday, October 19, 2025

Baarlamaanka Yurub oo ku baaqay in la baaro Xadgudubyada Bani’aadannimo ee ka dhaca Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, November 16, 2007(HOL): Baarlamaanka Yurub ayaa ku baaqay in la baaro xadgudubyo ka dhacay Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo ah meel ay ku dagaalamaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxaha hubeysan  ee ka soo horjeeda.

Qaraar ka soo baxay kulan uu yeeshay baarlamaanka Yurub ayaa waxaa lagu cambaareeyay xadgudubyada maalin kasta ka dhaca Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo soo gaara Dadka Rayidka ah, waxaana lagu caddeeyay qaraarka in ay lagama maarmaan tahay in la helo Dad madax bannaan oo soo baara xadgudubyada ka dhacaya Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.
 
Qaraarka ka soo baxay Baarlamaanka Yurub wuxuu ugu baaqay dhinacyada ku dagaalama magaalada Muqdisho in ay si deg deg ah xabadda u joojiyaan, si ay u soo af-jarmaan weerarrada sida aan kala sooca lahayn loogu qaaday Dadka Rayidka ah.

Dalalka Midowga Afrika ee ballanqaaday in ay Ciidamo geynayaan Soomaaliya ayuu ugu baaqay Baarlamaanka Yurub in ay Ciidamadaas si deg deg ah u geeyaan Soomaaliya, halka Beesha Caalamkana uu ugu baaqay in ay bixiso taageerada dhaqaale iyo mida farsamo ee ay Ciidamadaas u baahan yihiin.
 
Sidoo kalena, Baarlamaanka Yurub wuxuu baaq u diray  Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasi oo uu ka codsaday in la sii xoojiyo cunaqabateynta dhinaca hubka ah ee saaran Soomaaliya, si aan Soomaaliya hub kale oo hor leh loo geynin.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Hadalkan ka soo baxay Baarlamaanka Yurub ee ku saabsan Arrimaha Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dagaallo ka dhacay Magaalada Muqdisho todobaadkii hore ay ku dhinteen Dad boqol ruux ku dhow, halka ay ku dhaawacmeen, kuna barakaceen Dad kale oo intaas ka badan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).