Jimco, November 16, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Fedeaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa lagu soo waramayaa in uu magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ka wado kulamo uu Beel-Beel ula qaadanayo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Xalay ayuu Madaxweyne Yuusuf kulan la qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka ugu jira Beesha Hawiye, iyadoo maantana uu la kulmayo Beelaha Digil iyo Mirifle iyo Dir, halka maalinta Berri ahna uu la kulmayo Beesha Daarood iyo Beesha Shanaad.
Kulamada uu madaxweynaha la yeelanayo Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa la sheegay in ay la xiriiraan la tashiyo ku saabsan Ra’iisal Wasaaraha uu soo magacaabayo, iyadoo aaney meesha ka marneyn sidii mudada labada sano ah ee u harsan Dowladda Federaalka loogu shaqeyn lahaa si adag.
Madaxweyne C/llaahiYuusuf Axmed ayaa wuxuu ku guda jiraa maalmihii ugu dambeeyay ee uu la tashiyada ka sameynayay Ra’iisal Wasaaraha uu soo magacaabayo, kaasi oo loo maleynayo in uu markan ka imaan doono Baarlamaanka Soomaaliya Dibaddiisa, iyadoo la ogyahay in Ra’iisal Wasaarihii hore ee is-casilay uu ka yimid Baarlamaanka gudahiisa.
Ugu dambeyntiina, Warar aan si rasmi ah loo shaacin oo laga helay ilo ku dhow madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa sheegaya in Madaxweynaha ay soo gaareen qoraallo ka yimid qaar ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed, kuwaasi oo ku goodiyay in haddii aanan Xilka Ra’iisal Wasaarenimada la siinin ay mucaarad noqon doonaan, walow aan beelahaas si rasmi ah loo shaacin magacyadooda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia