Jimco, November 16, 2007(HOL): Madiino Maxamuud Cilmi Madiino (Janaraal) oo ka mid ah Haweenka Horseedka Nabadda iyo Nolosha ayaa shalay lagu dhaawacay agagaarka Jaamacaddii Beeraha oo ku taala inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, xili ay halkaas mucaawino ugu qeybineysay Dad ka barakacay Magaalada Muqdisho.
Warar kala duwan ayaa waxay ka soo baxayaan cidda dhaawacday haweeneydan, waxayna wararka qaarkood sheegayan in uu si aan kas ahayn u dhaawacay Nin ilaalo ka hayay halka raashinka mucaawinada ah lagu qeybinayay, halka ay jiraan warar kale oo sheegaya in ay dhaawaceen kooxo hubeysan.
Madiino Janaraal oo haatan dhaawaceeda lagu daweynayo Isbitaalka Madiina ayaa waxaa la sheegayaa in xaaladdeeda ay wanaagsan tahay, isla markaana ay dhaqaatiirta Isbitaalkaas daweeyeen.
Madiino Janaraal ayaa waxay ka mid tahay Haween u ololeeya in ay Nabad iyo Nolol helaan Dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir, waxayna howshoodaas bilaabeen xiligii Dowladdii Carta, iyagoo dib u furay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir oo muddo dheer xirnaa, kaasi oo ilaa iyo haatan si lacag la’aan ah loogu daweeyo Haween iyo Caruur badan oo qaarkood ay ka yimaadaan meelo fog.
Sidoo kalena waxay fureen Dugsiyo ay wax ku bartaan dadka aan awoodin in ay wax ka bartaan Dugsiyada lacagta lagu dhigto, waxay dib u howlgeliyeen Waddooyin maritaankooda laga baqi jiray oo Muqdisho ku yaala, waxaa kaloo lagu xusuustaa haweenkan in ay hub ka dhigis iyo dhaqancelin ku sameeyeen Dhalinyaro Soomaaliyeed oo hubeysnaa oo geysan jiray falal isugu jira dhac, dil iyo kufsi, kuwaasi oo markii ay dhaqanceliyeen ay u abuureen mehrado shaqo, sidoo kalena waxay sameeyeen Ciidamo xaafadeedyo suga ammaanka xaafadahooda, kuwaasi oo shaqeyn jiray wixii ka horeeyay xiligii Maxkamadihii Islaamka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia