Jimco, November 16, 2007(HOL): Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo aad u tiro badan ayaa shalay iyo maanta waxay howlgallo ka wadaan Xaafadda Gubta ee Degmada Dayniile, halkaasi oo ay habeenkii xalay ahaana ku hoyadeen.
Baaritaanka ay Ciidamadan ka sameeyeen halkaas ayaan la sheegin ilaa iyo haatan hub iyo waxyaabo qarxa oo ay ku soo heleen, waxaana gebi ahaanba xaafadaha deegaankaas ku yaala isaga cararay dadkii ku haray ee guryaha ilaashanayay.
Howlgalka ay Ciidamadan ka sameynayaan Deegaankaas ayaa wuxuu yimid kadib markii dorraad Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka halkaas lagu weeraray, kuwaasi oo weliba askari looga dilay weerarkii lagu soo qaaday.
Xaafadaha u dhow Waddooyinka Warshadaha, 30ka iyo qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha ayaa waxaa ka barakacay Dadkii deganaa kadib markii ay dhowr jeer halkaas ku dagaalameen Ciidamada Itoobiya iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda, iyadoo barakaca dadkaas uu sii xoogeystay kadib markii ay Ciidamada Itoobiyaanka bilaabeen in ay si aan kala sooc lahayn dadka u dilaan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa had iyo jeer waxaa howlgallo ka sameeya Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah, iyadoo mararka qaarkoodna ay dhacdo in goobo howlgallo laga sameeyay ay ka dhacaan falal nabadgelyo darro ah, taasi oo dadka ku dhalisa su’aal ah waxa ay soo kordhiyaan howlgallada ay mar kasta Ciidamadan sameeyaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia