12.1 C
London
Tuesday, October 21, 2025

Hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo sheegay in ay isugu mid yihiin Ciidamada Itoobiya iyo Kuwa Uganda, ayna la dagaalamayaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, November 15, 2007(HOL): Hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo lagu magacaabo Aadan Xaashi Ceyrow ayaa cajalad cod ah oo uu Internet-ka soo dhigay waxaa uu ku sheegay in ay isugu mid yihiin Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Uganda, isla markaana ay si isku mid ah ula dagaalamayaan.
 
Aadan Xaashi Ceyrow waxaa uu sheegay in Dagaalka Muslimiinta ka dhan ah  ee caalamka ka socda uu  maanta doorkiisa soo gaaray Dalka Soomaaliya oo sida uu yiri ay ku soo duuleen Ciidamo Shisheeye oo hubkoodi iyo Dabaabaadkoodii wata, iyadoo waxa ay Ciidamadaas ka hortegayaana ay tahay in ay  Geeska Afrika ka soo socdaan Islaamiyiin Asal Raac ah.
 
Ciidamada Itoobiyaanka ah  ee ku sugan Dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ayuu sheegay in ay ku fashilmeen joogitaankooda dalka Soomaaliya, “Waxaad la socotaan Itoobiya in ay ku fashilmeen in ay qabsadaan dhulka Soomaaliyeed, “Qaar ka mid ah Saraakiishooda ayaa Yemen iska dhiibay, qaarkood ayaa is-dilay oo macruuf ah, intaas oo marxaladood waa ay mareen, maanta waxay joogtaa markii ay wax kale waayeen in ay shacabka laayaan oo ay madaxa ka jaraan, calooshana ay ka soo saaraan, dadkaas waxaa lagu heystaa in ay yiraahdaan Muslim ayaa nahay, dembi kale ma aysan gelin, Itoobiya  kuma aysan duulin, meesha la isku heysto oo lagu leynayana waa Blac Sea, Baar Ubax, Warshadda Baastada iyo Gubta” ayuu yiri Aadan Xaashi Ceyrow.

 Halkan ka dhegeyso Hadalka
 
Aadan Xaashi Ceyrow

Aadan Xaashi Ceyrow waxaa uu intaas ku daray in Ciidamada Itoobiyaanka ay Haweenka Islaamka ku xadgudbeen, isla markaana ay Derbiyada iyo Laamiyada ay ku faro-xumeeyeen, “waxa ay Gaalada maanta nagu heysato hadal naga reebi maayo, waxa naga reebi karana waa in aan Jihaadno”ayuu yiri Aadan Ceyrow oo sheegay in ay isugu mid yihiin Ciidamada Shisheeye ee haatan Soomaaliya jooga iyo kuwa haatan la soo wado.
 
Hoggaamiyahan u hadlay Al-Shabaab ayaa ugu baaqay Maamullada Puntland iyo Somaliland in ay ka qeyb-qaataan sida uu hadalka u yiri Jihaadka looga soo horjeedo Ciidamada Shisheeye, isagoo caddeeyay in haddii maanta Muqdisho ay joogaan Ciidamada Shisheeye in ay berri ugu tegayaan meelaha ay joogaan, “shaki kama qabo in Taangiga Muqdisho jooga in uu berri tegayo Boosaaso, saa dambena Hargeysa, sababtoo ah dadka waxa loola dirirayo waa Diin ee ma ahan Qabiil”ayuu mar kale yiri Aadan Xaashi Ceyrow.
 
Dumarka iyo Dhalinyarada Soomaaliyeed ayuu iyagana ugu baaqay in ay jihaadaan, “haddii aad shalay ka qeybgeli jirteen dagaallo ahli ah, maanta u dagaalama difaacidda Diinta Alle”ayuuna yiri Aadan Xaashi Ceyrow.

Ugu dambeyntiina, Ganacsatada Soomaaliyeed ayuu Aadan Xaashi Ceyrow  ugu baaqay in ay xoolahooda Jihaadka ku bixiyaan, isagoo haddii ay ku bixin waayaana uga digay in ay xoolahooda qaadan doonaan Ciidamada Itoobiya, isla markaana ay Dukaamadooda gubi doonaan. Sidoo kalena Soomaalida Dibadaha ku nool ayuu iyana ugu baaqay inay iska dhaafaan shirarka aaney waxba ka soo baxeynin ee ay dibadaha ku qabanayaan, isla markaana ay ka qeybqaataan Jihaadka ka socda Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).