12.1 C
London
Tuesday, October 21, 2025

Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale oo ka hadashay Dilka labo fannaan oo Muqdisho lagu dilay iyo Xariga Idaacadaha Shabeelle, Simba iyo Banaadir

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, November 14, 2007(HOL): Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxay uga hadashay Dil shalay Muqdisho loogu geystay Maxamed Xasan Nuur (Qaamuus) iyo Maxamuud Axmed Cumar (Kabo-naar) oo ka tirsanaa Fannaaniinta Soomaaliyeed iyo weliba amarkii ay Dowladda Federaalka albaabada ugu laabtay Idaacadaha Shabeelle, Simba iyo Banaadir, wuxuuna warsaxaafadeedkaas uu u qornaa sidan:

 

Xarunta Dr.Ismaaciil Jumcaale ee Xuquuqda Aadamiga waxay aad uga xun tahay isla markaana ay Cambaareyneysaa Dilka loo gaystey taariikhdu Markey aheyd 13-kii November 2007 Abwaaniinta kala ah; MAXAMUUD AXMED CUMAR (kabanaar) oo ka mid ahaa fanaaniinta cayaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo MAXAMED XASAN NUUR (QAAMUUS) oo ahaa gabyaa caan ah oo lagu diley agagaarka suuq bacaad oo ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho. Dilkaas loo gaystey Abwaaniintaas soomaaliyeed ayaa wuxuu Xadgudub weyn ku yahay; Shareecada Islaamka, Xeerarka Soo Jireenka Ah Ee Dhaqanka Soomaalida, Axdiga Fedraalka KMG ah Iyo Baaqa Caalamiga Ee Xuquuqda Aadamiga Qodobkiisa 3-aad Oo Leh: Qof Walba Wuxuu Xaq U Leeyahay Inuu Ku Noolaado Nabadgelyo Iyo Xorriyo.

 

Waxay Xarunta Dr.Ismaaciil Jumcaale ka codsaneysaa kooxaha ku lugta leh dilalka qorsheysan ee loo gaysanayo dadka rayidka ah ee soomaaliyeed in ay joojiyaan falalka Xadgudubka ku ah nolosha iyo jiritaanka beni’aadamka.

 

Waxaa kaloo Xarunta Dr. Ismaaciil Jumcaale walwel iyo walaac ku abuurey isla markaana ay aad uga xun tahay Xariga loo gaystey IDAACADAHA SHABEELE, BANAADIR IYO SIMBA kuwaasoo dhamaantood ka howlgala Magaalada Muqdisho lana xirey iyagoo ku guda jira howlmaalmeedkooda caadiga ah ee warbaahineed Taasoo xadgudub ku ah ; qodobka 19-naad  ee Baaqa Caalamiga Ah Ee Xuquuqda Aadamiga kaasoo damaanad qaad buuxa siinaya xorriyada saxaafada, xushmeynta Hay’adaha warbaahinta iyo Nababadgelyada suxufiyiinta.

  

Xorriyada Saxaafada waxaa lagu damaanad qaadey Xeerar Caalami ah, kuwo Qaaradeed iyo waliba mid Goboleed sidoo kale Waxaa lagu damaand qaadey Axdi Qarameedka Dowlada Fedraalka KMG ah qodobkiisa 20-aad farqadiisa 1aad & 2aad oo leh oo leh; Dowladda FKMG ah waxay sugeysaa xoriyadda jaraa’idka, Hay’adaha warbaahinta xorta ah iyo amniga suxufiyiinta si waafaqsan sharciga, waxay kaloo sugaysaa xaqa qofku u leeyahay in si xur ah u bandhigo fikradiisa gaarka ah si kastaba ha ahaatee.

 

Xaruntu Dr. Ismaaciil jumcaale ee Xuquuqda Aadamiaga waxay ka Codsaneysaa Dowlada Fedraalka KMG ah in dib loo furo Idaacadaha Xiran loona ogolaado iney gutaan howlahooda Warbaahineed ee ay u hayaan Bulshada Soomaaliyeed.  

 

Ugu danbeyntii waxaa in la xuso mudan in ay waajib sharciyeed ku tahay Hay’adaha warbaahinta iyo suxufiyiinta soomaaliyeed iney dhowraan anshaxa kuna dhaqmaan Xeerka saxaafada kaasoo tixraac sharciyeed u ah hanaanka shaqeed ee warbaahinta dalka, waxaa kaloo muhiim ah in Hay’adaha warbaahinta iyo suxufiyiintu ay ka fogaadaan wax kastoo wax u dhimaya Xasiloonida, Nabadgelyada Dalka iyo waliba Midnimada Ummada Soomaaliyeed.

 

GUDOOMIYE KU XIGEENKA XARUNTA

Dr. Salaad Jumcaale Cossoble

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).