12.1 C
London
Tuesday, October 21, 2025

Maamulka Gobolka Banaadir oo howlo Nadaafadeed ka wada qaar ka mid ah Waddooyinka Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, November 14, 2007(HOL):Iyadoo maalmihii ugu dambeeyay Magaalada Muqdisho ay ka jireen dagaallo ay isaga soo horjeedeen Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamada Itoobiya iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda ayaa waxaa maanta si rasmi ah uga bilowday waddooyinka waa weyn ee gala Suuqa Bakaaraha olole nadaafadeed oo wax loogu qabanaayo bilicda Magaalada Muqdisho.

 

Ololahaan nadaafadeed ee maanta ka bilowday qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho oo ay  ka qeyb qaadanaya Maamulka Gobolka Banaadir, dadweyne ka kala socday 16-ka degmo ee gobolka Banaadir ayaa waxa uu socon doonaa muddo dhowr todobaad ah.

 

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay doonayaan nadiifida wadooyinka, iyadoo uu maamulku cadeeyay inay ka qeyb qaadanayaan ololahaan Boqolaal ruux oo ka kala socda qeybaha kala duwan ee Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoosidoo kale uu bar barsocdo ololahaan qorshayaal kale oo wax loogu qabanaayo wadooyinka bur bursan ee magaalada Muqdisho.

 

Ku xigeenada Gobolka Banaadir ee dhinacyada Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Amniga ee kala ah  Maxamed Cismaan Cali [Dhagaxtuur], C/Fitaax Ibraahim Cumar Sabriye [Shaaweey], C/llaahi Xasan Ganey [Firimbi] iyo Cumar Aweys Nuur [Dacas], oo dadweynihii ka qeyb qaadanaayay ololahaas nadaafada hadalo u jeediyay ayaa ku guubaabiyay inay si habsami leh uga qeyb qaataan ololahaas nadaafadda oo lagu doonayo in dib loogu soo celiyo bilicdii magaalada Muqdisho, iyadoo halkaas ay dadwewynuhu ku soo bandhigeen howl la taaban karo oo ay dhinaca nadaafadda u qaadeen.

 

“Waxaan balan qaadeynaa inaan dhisno wadooyinka bur bursan, isla markaasna aan ka nadiifino qashinka yaal wadooyinka” ayuu yiri Maxamed Cusmaan Cali [Dhagax tuur] oo ah ku xigeenka Gobolka ee Arrimaha Bulshada oo hadalkiisa ku sii daray inay keenayaan qalab kala duwan oo wax looga qabanaayo Howlaha Nadaafadda iyo Dayactirka isugu jira ee laga wado qaar ka mid ah Waddooyinka Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).