Talaado, November 13, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa wuxuu ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan tan Muqdisho, cidda uu u soo magacaabayo Ra’iisal Wasaaraha iyo weliba xarigga Afhayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali.
Madaxweyne Yuusuf waxaa uu sheegay in xaaladda Magaalada Muqdisho ay haatan tahay mid ka wanaagsan mudadii 17ka sano ahayd ee laga soo gudbay, isagoo carrabka ku dhuftay in haatan ay nabadgelyo jirto.
Laakin Madaxweynaha waxaa uu sheegay in ay rabshado ka jiraan Caasimadda Muqdisho, kuwaasi oo sida uu yiri ay ka dambeeyaan Kooxaha Muqaawamada iyo Shabaab, isagoo Xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee Asmara ku sugan, kuwaasi oo uu ku tilmaamay kuwo hadal kaliya ku eg oo aanan lug ku lahayn rabshadaha ka dhacaya Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo wax laga weydiiyay cidda uu u soo magacaabayo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya bacdamaa uu is-casilay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa wuxuu sheegay in uusan isaguba aqoonin qofka noqonaya Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, balse waxaa uu hoosta ka xariiqay in markan ay Jagada Ra’iisal Wasaarenimada ay qaban karaan Dadka Soomaaliya, isla markaana aan lagu koobin in laga soo doorto Baarlamaanka gudahiisa.
Sidoo kalena, Madaxweynaha waxaa wax laga weydiiyay xarig ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ay Muqdisho ugu geysteen Afhayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali, wuxuuna sheegay in uusan u aqoonsaneyn Axmed Diiriye Nin Afhayeen u ah beelaha Hawiye, wuxuu carrabka ku dhuftay in uu Axmed Diiriye Afhayeen u ahaa Fidno-wadayaasha, waa sida uu Madaxweynaha hadalka u dhigaye. Madaxweynaha oo sii hadlayay waxaa uu iska fogeeyay in uu wax ka ogyahay xarigga Axmed Diiriye ama xitaa uu isagu amray in la soo xiro.
Ugu dambeyntiina, hadal saxaafadeedkan uu bixiyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo iska hor-imaadyo dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ay dhawaan ka dhaceen magaalada Muqdisho, iyadoo intii ay socdeen iska hor-imaadyadaas la dilay Dad rayid ah oo boqol ruux ku dhow, kuwaasi oo ay ku jireen Caruur, Haween iyo Dad Waayeello ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online